Home Wararka Caalamka Xamaas oo sheegtay in dalalka dhexdhexaadiyeyaasha kala shaqayn doonto dhaqangelinta xabad joojinta

Xamaas oo sheegtay in dalalka dhexdhexaadiyeyaasha kala shaqayn doonto dhaqangelinta xabad joojinta

by Laacib

Ururka Xamaas ee ka arrimiya Marinka Gaza ayaa xalay soo dhaweeyay qaraarka xabad joojinta colaadda Gaza, wax yar uun ka dib, markii Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ay ansixiyeen qaraarkaasi oo Mareykanka uu horkeenay.

Ururka ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in uu taageerayo soo jeedinta xabad joojinta, diyaarna ay u yihiin in ay la shaqeeyaan dalalka dhexdhexaadiyeyaasha.

“Waxaan diyaar u nahay inaan la shaqayno dalalka dhexdhexaadiyeyaasha, si loo dhaqangeliyo qaraarka xabad joojinta.” Ayaa lagu yiri bayaanka.

Xamaas waxay sheegtay in ay sii wadi doonto halgankeeda, si loo soo afjaro gumeysiga Israel iyo in la dhiso Dowladda Falastiin. Xamaas ayaa hormuud u ah halganka ay shacabka Falastiiniyiinta ugu jiraan, sidii ay u heli lahaayeen xuquuqda ka maqan muddada dheer.

Dhanka kale Danjiraha Algeria u fadhiya Qaramada Midoobey, Danjire Amar Bendjama ahna Wakiilka Carabta ee Golaha Ammaanka ayaa sheegay, inkastoo qaraarka uu yahay mid aan qumaneyn, haddana uu bedel u yahay sii socoshada dilka iyo dhibaatooyinka kale ee lagu hayo shacabka Falastiiniyiinta.

“Waxaan u codeynay qaraarkan, si aan dibloomaasiyadda u siino fursad ay ku gaaraan heshiis soo afjaraya gardarrada ka dhanka ah dadka Falastiiniyiinta oo soo jiitamayay waqti aad u dheer.” Ayuu yiri Safiirka oo hadlayay ka dib codeynta qaraarkaasi.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay qaraarka, iyadoona uu Ruushku noqday dalka keliya ee ka aamusay, mana jirin cid diiday.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc