Home Wararka Caalamka Xamaas oo sheegtay in dilka dadka reer Gaza looga aargudi doono dadkii laga soo qafaashay Israel

Xamaas oo sheegtay in dilka dadka reer Gaza looga aargudi doono dadkii laga soo qafaashay Israel

by Laacib

Ururka Xamaas ee ka arrimiya Marinka Gaza ayaa sheegay in waxyeelada dadka deegaanka ka soo gaareyso weerarada Israel ay uga aargudi doonaan maxaabiista faraha badan, ee ay ku soo qabteen weerarkii ay Sabtidii ku ekeeyeen Israel.

Xoogaga Xamaas ayaa la sheegay in ay weerarkaasi ku soo qafaasheen kun qof, oo isugu jira Ciidamada Israel iyo weliba dad shacab ah, isla-markaana ay ku hayaan Gaza.

Afhayeenka Militariga Xamaas ee Al Qassam, Abu Obaida ayaa ku goodiyay in ay dili doonaan dadka u afduuban, haddii Ciidamada Israel ay garaacaan dhismayaal kale oo dheeraad ah oo ku yaala Gaza, digniin la’aan.

“Waxaan caddeynaynaa inaan ka jawaabi doono weerar kasta oo lagu beegsado dadkeenna badbaadada ku haysta guryahooda, digniin la’aan, annaga oo bilaabi doono dilka dadka rayidka ah ee afduubka u haysano, kuwaa oo dilkooda aan ku baahin doono maqal iyo muuqaal.” Ayuu yiri Abu Obaida.

Ciidamada Israel ayaa xalay duqayn baahsan ka gaystay Marinka Gaza, iyadoona magaalada xalay oo dhan laga maqlayay qaraxyo waaweyn.

Wararka ayaa sheegaya in duqayntan ay noqonayso tii ugu xooganeyd ee Ciidamada Israel ka gaystaan Gaza, tan iyo markii uu weerarku dhacay.

Duqaynta ayaa si weyn u saameysay dhismayaasha danta guud ee magaalada, waana Gaza oo habeenadii ugu dambeysay wajaheysay koronto la’aan iyo adeeggii biyaha oo ka go’an.

Dhanka kale Warbaahinta Israel ayaa sheegeysa in ay korodhay tirada dhimashada ee dadka lagu dilay weeraradii kala dambeeyay ee Xoogaga Xamaas tan iyo Sabtidii ka gaysanayeen dhulka la haysto, isla-markaana ay dhimashadu gaartay 900 oo qof.

Warbaahinta ayaa kororka dhimashada ku sheegtay, iyadoo dad fara-badan oo dhaawacyo culus qabay ay u geeriyoodeen dhaawacyadaasi. Weeraradan ayaa la ogyahay in ay ku dhaawacmeen in ka badan laba kun oo qof oo Israeliyiin ah.

Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay in duqaynta ku socoto Gaza ay galaafatay nolosha 704 qof, oo ay ku jiraan 143 carruur ah iyo 105 haween ah.

Wasaaraddu waxay sheegtay in tirada dadka ku dhaawacmay duqaymahaasi ay hadda gaartay 4,000 oo qof.

Maamulka Israel ayaa ku hanjabay in ay cudud ahaan wiiqi doonaan Xoogaga Xamaas ee Falastiiniyiinta.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc