Home Wararka Caalamka Xuuthiyiinta oo Badda Cas ku weeraray markab nooca saliidda qaada

Xuuthiyiinta oo Badda Cas ku weeraray markab nooca saliidda qaada

by Laacib

Xoogaga Xuuthiyiinta Yemen ayaa gantaalo ku weeraray markab nooca saliidda qaada, xilli uu ku gooshayay marin biyoodka Badda Cas.

Xoogaga Xuuthiyiinta ayaa illaa saddex gantaal oo nooca ballaastikada ah ku weeraray markabka Andromeda Star.

Hay’adda La socodka Ganacsiga Badda ee Britain (UKMTO) ayaa sheegtay in gantaalka hore uu ku dhacay agagaarka jihadii uu markabku ku safrayay, balse labadii gantaal ee dambe ay ku dhaceen markabkaasi, lamana soo sheegin wax dhimasho iyo dhaawac ah, marka laga soo taggo in burbur uu ka soo gaaray markabka.

Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka ayaa xaqiijiyay in markabku ay waxyeelo ka soo gaartay gantaaladii lagu weeraray.

Weerarkan ayaa ka dhacay meel koonfur galbeed kaga beegan Dekedda Mokha, sida ay sheegtay UKMTO.

Xuuthiyiinta Yemen oo sheegtay masuuliyadda weerarkan ayaa sheegay in gantaaladooda ay si sax ah u garaaceen bartilmaameedkoodii.

Markabka Andromeda Star oo watay Calanka Jasiiradda Panama ayaa ah mid laga leeyahay dalkaasi Ingiriiska.

Markabkan oo ka soo ambabaxay magaalada dalka Ruushka ku taala ee Primorsk ayaa ku sii jeeday Magaalada Vadinar ee dalkaasi India.

Xuuthiyiinta Yemen ayaa tan iyo bishii November Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ka gaysanayay weeraro ay garab istaag ugu muujinayaan shacabka Falastiiniyiinta.

Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta, Abdul-Malik Al-Houthi ayaa wacad ku maray inay sii wadi doonaan weeraradooda ka dhanka ah maraakiibta laga leeyahay Israel, Ingiriiska iyo Mareykanka, illaa iyo inta ay reer galbeedku ka soo afjarayaan duulaanka Israel ee Gaza.

Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Ingiriiska ayaa ku guuldareystay in ay joojiyaan weerarada ay Xuuthiyiinta ku hayaan maraakiibta mareysa Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, ka dib markii ay 12-kii bishii January bilaabeen in ay dalka Yemen ka gaystaan bartilmaameedyo ka dhan ah dhulka ay Xuuthiyiinta maamulaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc