Home Wararka Maanta Xaalad adag oo ka jirta deegaanka Rafah ee Gaza

Xaalad adag oo ka jirta deegaanka Rafah ee Gaza

by Laacib

Xaalad aad u cakiran ayaa laga soo sheegaya deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza, ka dib markii Ciidamada Israel ay Talaadadii qabsadeen bariga deegaankaasi.

Ciidamada Israel ayaa Marinka Gaza ka go’doomiyay dhinaca dalka Masar, iyadoona ciidamadaasi ay si buuxda gacanta ugu hayaan maamulka dhinaca Gaza ee xadka Masar.

Ciidamada Israel ayaa weli diidan in shaqaalaha gargaarka iyo gaadiidka u raran Qaramada Midoobey ay Gaza ka soo galaan dhanka xadka Rafah, tani oo qayb ka ah siyaasaddooda gaajeysiinta iyo dilka ee dadka rayidka ah.

Saraakiisha hay’adaha caalamiga ah ee ku sugan xuduudda Masar ayaa sheegay in laga hortaagan yahay in ay ka gudbaan Rafah, isla-markaana aysan gudaha u geli karin Marinka Gaza.

Kolonyo fara-badan oo gargaar sida ayaa ku xaniban magaalada ku dhow xadka Masar la wadaagto Marinka Gaza ee Arish (El-Arish), lamana oga goorta la fasixi doono.

Taliska Militariga Israel ayaa Arbacadii sheegay in ay fureen Isgoyska Kerem Shalom ee ku yaala xadka Israel iyo Marinka Gaza.

Taliska Militariga Israel ayaa bayaan ku sheegay in kolonyo badan oo gargaar sida ay ka gudbeen Kerem Shalom, ha yeeshee Maamulka Marinka Gaza ayaa sheegay in aysan jirin wax baabuur ah oo soo galay dhulka go’doonsan.

Diyaaradaha dagaalka Israel iyo taangiyada ay wataan ciidanka galay Rafah ayaa duqaymo ku haya qaybo ka mid ah deegaanka ku yaala cirifka koonfureed ee Marinka Gaza.

Ku dhawaad konton kun (50,000) oo qof ayaa ka barakacay bariga Rafah, ka dib markii Israel ay dadkii horey ugu soo barakacay halkaasi ay Isniintii ku wargelisay in ay banneeyaan.

Saraakiisha Qaramada Midoobey ee ku sugan Gaza ayaa sheegay in dadkan ay aadeen deegaanada Al-Mawasi, Khan Yunis iyo Deir Al-Balah.

Ururka Dhakhaatiirta ee Marinka Gaza ayaa sheegay in xarumaha caafimaadka ee Rafah ay halis ugu jiraan in ay u xirmaan shidaal la’aan.

Tani ayaa ku soo aadaysa, xilli albaabada la isugu laabay isbitaalkii ugu weynaa bariga Rafah ee Abu Yousef Al Najjar, ka dib markii ay baqdin la deristay maamulka isbitaalkaasi iyo howlwadeenada caafimaadka.

Dhanka kale Xafiiska Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa mar kale walaac xoogan ka muujiyay xaaladda aadka u liidato ee bani’aadantinimo ee ka jirta Marinka Gaza.

Stephane Dujarric oo ah Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa gelinkii dambe ee Arbacadii sheegay in wax alaab ah oo loogu talagalay howlaha bani’aadantinimo aysan illaa iyo hadda soo gelin Marinka Gaza.

“Tani waxay sii xumeynaysaa caqabadaha ka jira dhulka ay colaaddu ku baahsan tahay.” Ayuu yiri Afhayeenka oo qaylo dhaan ka muujiyay xanibaadda lagu hayo gargaarka bani’aadantinimo ee aadka loogu baahan yahay.

“Ma jirto wax baabuur ah oo gargaar bani’aadantinimo sida oo awood u leh inay gudaha u galaan Gaza.” Ayuu sii raaciyay Stephane Dujarric.

Dujarric ayaa hadalkiisa ku xoojiyay “Waxaa aad u sarreyso baahida weyn ee loo qabo in gargaarka uu soo galo Gaza, oo uu ku jiro shidaalka, si loo joogteeyo dadaalada bani’aadantinimo. Xaalad degdeg ah ayaa hadda jirta, iyadoo xarumaha caafimaadka ee muhiimka ah ay halis ugu jiraan inay noqdaan kuwo aan shaqeyn karin.”

Waddooyinka Rafah ayaa ah kuwa haawanaya, waxaana uu gaabis ku yimid isu socodkii dadka ee bariga iyo galbeedka Rafah.

Dadku waxay ka baxsanayaan in ay bartilmaameed u noqdaan diyaaradaha dagaalka ee dul jooga, mana jirto cid u gudbi karta dhanka bari ee Rafah. Sidoo kale dadka ka qaxaya bariga Rafah ayaa deegaankaasi uga baxaya waddada aadda deegaanka Al-Mawasi, oo ku yaala xeebta koonfureed ee Marinka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc