Home Wararka Caalamka Qaramada Midoobey oo shaacisay tirada dadka ka cararay Rafah

Qaramada Midoobey oo shaacisay tirada dadka ka cararay Rafah

by Laacib

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in sideed boqol oo kun (800,000) oo qof lagu khasbay inay ka barakacaan deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza.

Philippe Lazzarini, Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ayaa sheegay in 800,000 oo qof lagu khasbay in ay qaxaan, tan iyo markii Ciidamada Israel ay dhawaan hawlgalka ka bilaabeen deegaankaasi.

Madaxa Hay’adda UNRWA ayaa bayaan uu soo saaray ku cambaareeyay barakacinta soo noqnoqotay ee lagu hayo dadka reer Gaza. Dadka qaar ee haatan laga barakaciyay Rafah ayaa barakacay dhowr jeer.

“Tan iyo intii uu bilowday dagaalka Marinka Gaza, Falastiiniyiinta ayaa lagu khasbay inay dhowr jeer ka cararaan colaadda, iyagoo raadinaya badbaado aysan weligood helin, oo ay ku jiraan guryaha UNRWA.” Ayuu yiri Philippe Lazzarini.

Waxa kaloo uu yiri “Iyada oo aan lahayn marin ammaan ah ama ilaalin ayaa mar kasta waxaa dadka lagu khasbaa inay ka taggaan alaabaha yar ee ay haystaan, sida joodariyada, teendhooyinka, maacuunta wax lagu karsado iyo agabka aasaasiga ah oo aanay qaadi karin, lacag ay ku qaataana aysan haysan.”

Philippe Lazzarini ayaa yiri “Mar kasta waa inay ka soo bilowdaan eber.”

UNRWA ayaa walaac ka muujisay barakacinta joogtada ah ee lagu hayo shacabka, waana xilli aysan wax nolol ah uga horreen meelaha lagu amrayo inay taggaan. 1.5 milyan oo barakacayaal ah oo deganaa Rafah ayaa ku haystay nolol dhaanta midda ka jirta meelaha lagu wargeliyay inay taggaan dadkii la faray inay banneeyaan bariga iyo koonfurta Rafah, inkastoo barakaca shacabka uu ka wada socdo dhammaan qaybaha deegaankaasi.

“Goobaha ay dadku hadda u qaxayaan ma laha nabadgelyo, sahay, biyo nadiif ah iyo fayadhowr.” Ayuu yiri Lazzarini.

Waxa uu tusaale u soo qaatay deegaanka Al-Mawasi oo ka mid ah meelaha ay Israel dadka ku amartay inay taggaan uusan lahayn dhismayaal ay dadku degi karaan iyo waddooyin loo soo mariyo gargaarka naf badbaadinta ah.

“Waxaa ka maqan shuruudaha ugu yar ee lagu bixin karo gargaarka bani’aadantinimo ee degdegga ah, si ammaan ah oo sharaf leh. Ka hor fiditaankii dhowaa, aaggu wuxuu hoy u ahaa in ka badan 400,000 oo qof. Meeshu waa ciriiri oo ma qaadi karto dad badan, si la mid ah Deir Al-Balah, oo ah meelaha dhexe.” Ayuu yiri Lazzarini.

Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa dhawaanahaanba sheegayay in Ciidamada Israel ay bartilmaameedsanayaan dadka rayidka ah ee barakacaya, tiiyoo uu hadda xoojiyay Lazzarini.

“Warka ah in dadka Gaza ku nool ay u guuri karaan aagagga nabdoon ama bani’aadantinimo waa been. Mar kasta waxay khatar weyn gelisaa nolosha dadka rayidka ah.” Ayuu yiri Lazzarini.

Lazzarini ayaa warkiisa ku adkeeyay “Gaza ma laha goob nabdoon. Meel ammaan ah ma jirto, qofna ma nabad qabo.”

Lazzarini ayaa sheegaya in sahay la’aanta ka jirta Marinka Gaza, gargaarka la hortaagan iyo isgoysyada xiran ay dhammaantood kaga sii darayaan xaaladda bani’aadantinimo ee dhulka go’doonsan.

“Xaaladda waxaa mar kale kaga sii dareysa gargaar la’aanta iyo sahayda aasaasiga ah ee bani’aadantinimo. Ma jirto wax kale oo gargaar bani’aadantinimo ah oo la bixin karo, aan ka ahayn cuntada iyo waxyaabaha kale ee aasaasiga ah. Isgoysyada muhiimka ah ee Gaza ayaa ah kuwo xiran ama aan ammaan ahayn in la galo, maadaama ay ku yaallaan meel u dhow ama aagagga dagaalka. Gargaar qaybinta ayaa ah mid aan macquul aheyn, haddii aysan jirin shidaal joogto ah, isgaarsiin aan deganeyn oo ay ku wada shaqeynayaan hay’adaha iyo ciidamada hawlgalada wada. Illaa 6-dii May, keliya 33 baabuur oo xamuul ah ayaa ka soo gudbay koonfurta Gaza. Tani waa qulqul yar, iyadoo ay jirto baahi bani’aadantinimo oo sii kordheysa iyo barakac baahsan.” Ayuu yiri Lazzarini.

Lazzarini ayaa ku baaqay inaanan la carqaladeyn gurmadka bani’aadantinimo, si loo gaarsiiyo dadka rayidka ah ee u baahan, ayna tahay in la ilaaliyo badqabka dadka rayidka ah oo ay ku jiraan shaqaalaha gargaarka.

Rafah ayaa martigelineysay inta badan dadka reer Gaza ee horey looga soo barakaciyay guryahooda.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc