Home Wararka Maanta Saamaynta Al Shabaab iyo Daacishta Somaliya ee dalka

Saamaynta Al Shabaab iyo Daacishta Somaliya ee dalka

by Laacib

Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala), Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Somaliya ayaa sheegay in Dowladda Federaalka aysan waxba ugu kala duwaneyn maleeshiyada Al Shabaab iyo Daacish, isla-markaana ay yihiin kooxo Khawaarij ah.

Wasiir Alcadaala ayaa sheegay in Daacish iyo Shabaab ay yihiin kooxo dembiileyaal ah, oo hantidooda ka baada ummadda Soomaaliyeed, isla-markaana banneystay dhiigooda.

“Waxba isma dhaamaan labaduba, waa kooxo dembiileyaal ah oo dadka Soomaaliyeed baada oo dhiigooda banneystay, kana been sheegay Shareecada Islaamka.” Ayuu yiri Alcadaala oo intaasi ku daray “Marka waxba nooguma kala duwana.”

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sidoo kale sheegay inaanay jirin wax ay qaranka ugu kala duwan yihiin Shabaab iyo Daacish, ayna yihiin kooxo Khawaarij ah oo ka been abuurtay Diinta Alle.

Al Shabaab iyo Daacishta Somaliya waa laba urur oo hubeysan, waxayna ka dagaalamaan dalka gudihiisa, haba kala badnaato saamayntooda dalka.

Shabaab

Shabaabku waa ururka ugu weyn ee Jihaad-doon ah ee ka dagaalama Somaliya, waxayna si firfircoon uga hawlgalaan Gobolada Koonfurta & Bartamaha iyo qayb ka mid ah Gobolka Bari ee Puntland.

Shabaabku waxay ka arrimiyaan dhul ballaaran oo dhaca min Galmudug illaa Jubbaland, haddii si kale loo dhigana waa min Gobolka Mudug illaa Gobolka Gedo.

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa ka biyo diidan jiritaanka Dowladda Federaalka, waxayna dagaal kula jiraan Ciidamada Dowladda, kuwa Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, oo Villa Somalia ka taageera arrimaha amniga iyo la dagaalanka Shabaab.

Shabaabka oo tiradooda lagu qiyaaso shan kun illaa toddobo kun oo nin ayaa la fahamsan yahay in ay yihiin khatarta ugu weyn ee muuqato ee xilligan horgudban amniga dalka.

Hoggaamiyaha Al Shabaab waa Axmed Diiriye Abuu Cubeyda oo sidoo kale loo yaqaano (Axmed Cumar), waxayna xiriir la leeyihiin Ururka Al Qaacidda.

Shabaabka ayaa dhaqaalaha ugu badan ka hela ganacsatada Soomaaliyeed, taas oo u sahashay in ay noqdaan cudud saamayn leh oo ka jirta dalka.

Daacish

Daacishta Somaliya waa garab ka jabay Al Shabaab, waxayna saldhigoodu ugu weyn ku leeyihiin Buuraleyda Gobolka Bari, iyagoona dagaal kula jira Dowlad Goboleedka Puntland, lamana oga goob kale oo dalka ka tirsan oo ay ka hawlgalaan amaba ay si toos ah uga dagaalamaan, waxaana tiradooda lagu qiyaasaa dhowr boqol oo nin.

Daacish ayaa waxaa markii ugu horreysay daba-yaaqadii bishii October ee sanadkii 2015 looga dhawaaqay Buuraha Galgala ee Gobolka Bari, waxaana hoggaamiya Cabdiqaadir Muumin Cali oo bukaan la yaal ah. Hoggaamiyaha ayaa muddo dheer la il-daran xanuunka sokorowga/macaanka, waxaana uu horey u soo noqday Sarkaal ka tirsan Xafiiska Dacwada ee Al Shabaab.

Xoogaga Daacish ayaa waxay xiriir la leeyihiin Ururka ISIS oo isugu yeera (Dowladda Khilaafada Islaamka). ISIS oo sidoo kale loo yaqaano (Daacish), waxay mar ay ku xooganaayeen dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Marka loo eeggo Al Shabaab, Daacishta Somaliya ma lahan halis muuqato oo maanta ay ku carqaladeyn karaan amniga guud ee dalka, halka Shabaabka lagu tilmaamo khatarta ugu weyn ee maanta ka jirta Afrika.

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa Shabaabka u aragta khatarta ugu weyn ee amni ee haatan ka jirta qaaradda.

Daacishta Somaliya ayaa dhaqaalaha ugu badan ka hesha ganacsatada Magaalada Boosaaso iyo qayb yar oo ka mid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horaan ku hanjabay in dowladdiisu ay dalka ka suulin doonto kooxaha argagixisada.

Villa Somalia ayaa juhdi badan ku bixisa hawlgalada dhulka iyo cirka ee la doonayo in lagu wiiqo Shabaabka hubeysan, si ka duwan Daacishta ku sugan bariga Puntland.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc