Home Wararka Maanta Xoghaye Guterres “Weerarka Rafah waa khalad istiraatiiji ah”

Xoghaye Guterres “Weerarka Rafah waa khalad istiraatiiji ah”

by Laacib

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay tallaabooyinka ay Israel kaga sii dareyso xaaladda bani’aadantinimo ee Marinka Gaza.

“Waan ka xumaaday oo welibana aad baan uga xumaaday dhaqdhaqaaqa ciidan ee ka soo cusboonaaday deegaanka Rafah, oo ay ka wadaan Ciidamada Israel. Aad baan uga xumaaday weerarka Rafah.” Ayuu yiri Xoghayaha.

Xoghayaha ayaa ku waramaya inay khalad istiraatiiji ah tahay gulufka ay Israel ugu awr kacsaneyso inay mar kale xasuuqdo dadka rayidka ah.

“Waa khalad istiraatiiji ah, masiibo siyaasadeed iyo burburinta riyada bani’aadantinimo. Waan ka naxay oo aad ayaan uga murugooday dhaqdhaqaaqa militari ee ay Ciidamada Israel ka wadaan Rafah.” Ayuu yiri Xoghayuhu.

Mar uu ka hadlayay xanibaadda ay Ciidamada Israel saareen gargaarkii ka gudbayay Rafah iyo Karem Shalom ayuu ku baaqay in si degdeg ahi loo furo.

“Xiritaanka labada isgoys ee Rafah iyo Kerem Shalom waxay si gaar ah u dhaawaceysaa xaaladda bani’aadantinimo ee ba’an ee ka jirta Marinka Gaza. Waa in sida ugu dhakhsiyaha badan dib loogu furaa.” Ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Militariga Israel oo Talaadadii shalay la wareegay bariga Rafah ayaa xiray waddadii uu gargaarka ka gudbayay, halka Isniintiina ay xireen Isgoyska Kerem Shalom. Rafah iyo Kerem Shalom ayaa ah halbowlaha nolosha ee dadka rayidka ah ee ku tiirsan kaalmada bani’aadantinimo.

António Guterres, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa ka digay cawaaqibka daran ee ka dhalan kara sii xirnaanshaha labadaasi goobood iyo qorshaha ay Israel ku ballaarineyso hawlgalkeeda Rafah.

“Weerar kasta oo buuxa oo Israel ay ka sameyso Rafah ayaa uga sii dari doona xaaladda bani’aadantinimo ee markii hore aadka u liidatay ee ka jirtay Marinka Gaza, waxaana anigu ka digayaa macluul iyo silic baahsan.” Ayuu yiri António Guterres.

Xoghaye Guterres oo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada New York ayaa Israel ugu baaqay in ay daacad ka noqoto dadaalada socda ee xalka loogu raadinayo colaadda Gaza.

“Waxaan u soo jeedinaya Dowladda Israel in ay joojiso wax kasta oo xiisadda uga sii daraya, ayna si wax ku ool ah uga qaybgasho wada hadalada diblomaasiyadeed ee socda.” Ayuu yiri Guterres.

Ciidamada Israel ayaa duqayn culus ku haya qaybo ka mid ah deegaanka Rafah, iyadoona tan iyo markii ay hawlgalka bilaabeen ay halkaasi ku dileen tobanaan qof oo rayid ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc