Home Wararka Caalamka Xamaas oo sii deysay qaybtii labaad ee la haysteyaasha

Xamaas oo sii deysay qaybtii labaad ee la haysteyaasha

by Laacib

Ururka Xamaas ayaa saqdii dhexe ee xalay sii daayay 13 qof oo Israeliyiin ah, tani oo qayb ka ah heshiiska maxaabiis is weydaarsiga ee iyaga iyo Israel.

Xamaas ayaa Bisha Cas ku wareejisay 13 qof oo reer Israel ah iyo 4 qof oo u dhashay dalka Thailand.

Majed Al Ansari, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa sheegay in dadkan la gayn doono goobo caafimaad oo ku yaala Magaalada Tel Aviv, si halkaasi ay ugu maraan buu yiri baaritaano caafimaad iyo mid maskaxeed.

Afhayeenka Militariga Israel, Daniel Hagari ayaa xaqiijiyay in Bisha Cas ay dadkaasi gaadiid ku keentay marinka xadka ee loo yaqaano Kerem Shalom ama Karam Abu Salem.

Afhayeenka ayaa sheegay in la haysteyaasha Israel lala soo daayay 4 qof oo u dhashay dalkaasi Thailand.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in muwaadiniinta Israel ay hadda dib ugu soo laabteen sida uu yiri dhulka Israel.

Xafiiska Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa xaqiijiyay in Xamaas ay sii deysay 13 qof oo Israeliyiin ah, oo isugu jira 6 haween ah iyo 7 carruur ah.

“La haysteyaasha ayaa la sii daayay, ka dib markii ay 50 maalmood ku jireen gacanta Xamaas.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha.

Xamaas ayaa fiidnimadii xalay sheegtay in ay dib u dhigtay wareegga labaad ee sii deynta maxaabiista, ka gadaal markii ay Israel ku eedeysay in ay jebisay qodobadii lagu heshiiyay.

Hase yeeshee dadaalo ay sameeyeen Dowladaha Qatar iyo Masar ayaa sahashay, sida uu qorshuhu ahaa in Xamaas ay sii deyso la haysteyaasha, taasi bedelkeedana ay Israel sii deyn doonto 39 qof oo Falastiiniyiin ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc