Home Wararka Caalamka Xamaas oo xabsiga ka sii deysay xubno ka mida la haysteyaasha Mareykanka

Xamaas oo xabsiga ka sii deysay xubno ka mida la haysteyaasha Mareykanka

by Laacib

Ururka Xamaas ee ka arrimiya Marinka Gaza ayaa shaaciyay in ay xabsiga ka sii daayeen laba ka mid ah muwaadiniinta dalka Mareykanka ee 7-dii bishan ay ku soo qabteen weerarkii ay ka gaysteen dhulka ay Israel maamusho.

Afhayeenka Militariga Xamaas ee Al-Qassam, Abu Obaida ayaa sheegay in labadaasi qof ay saacadihii dambe ee Jimcihii ku sii daayeen xaalado caafimaad, ka dib codsi uga yimid Dowladda Qatar.

“Waxaan sii deynay laba ka mid ah maxaabiista aynu hayno, sababo bani’aadantinimo, ka dib dadaalo dhexdhexaadin ah oo ay sameysay Dowladda Qatar.” Ayuu yiri Afhayeenku.

Xubnaha la sii daayay oo hooyo iyo gabar ay dhashay ah ayaa lagu kala magacaabaa Judith Tai Raanan iyo Natalie Shoshana Raanan.

Xafiiska Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa xaqiijiyay in la sii daayay hooyadaasi iyo gabadheeda.

Madaxweyne Joe Biden ayaa Dowladda Qatar uga mahadceliyay doorkeeda ku aaddan dhexdhexaadinta lagu sii daayay labadaasi qof.

Dowladda Qatar ayaa sheegtay in sii deynta dadkaasi ay ku timid, ka dib maalmo ay waan-waan ka dhex waday dhinacyada.

War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa lagu sheegay in ay rajeynayaan in wada hadalada bilowday ay horseedaan in dhammaan maxaabiista kalena oodda laga qaado.

Dagaal-yahanada Xamaas ayaa weerarkii 7-dii October ku soo qabtay maxaabiis ka badan laba boqol oo qof, kuwaa oo isugu jira dad rayid ah iyo Ciidamada Israel.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc