Home Wararka Maanta Xarigga Sufyaan Sheekh Axmed (Taakeeye) iyo halka lagu hayo

Xarigga Sufyaan Sheekh Axmed (Taakeeye) iyo halka lagu hayo

by Laacib

Laamaha amniga ee Dowladda Federaalka ayaa wada baaritaano ku aaddan waxa Sufyaan Sheekh Axmed (Taakeeye) kala dhaxeeya maleeshiyada Al Shabaab, kaas oo hadda gacantooda ku jira.

Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa gelinkii dambe ee Talaadadii shaacisay in ninkani laga soo dejiyay Magaalada Muqdisho, ka dib sanadihii ugu dambeeyay oo uu ku noollaa Magaalada Nairobi ee dalkaasi Kenya.

“Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku soo dhigtay Sufyaan Sheekh Axmed (Taakeeye) oo waayihii dambe faafinayay afkaaro xagjirnimo ah oo liddi ku ah nabadda, xasilloonida iyo Dowladnimada Somaliya, sidoo kalena taageerayay Khawaarijta.” Ayaa lagu yiri war ay soo saartay Hay’adda NISA.

Warka ayaa lagu sheegay in hay’addu ay ninkaasi ku bilowday baaritaano iyo wareysiyo la xiriira cilaaqaadka kala dhaxeeya Al Shabaab, shabakadaha kale ee ku xiran iyo shakhsiyaadka la wadaagga fekerka khalafsan ee Shabaabnimada.

NISA oo dib u daalacatay wareysiyo uu dhawaan ninkaasi bixiyay ayaa garowsatay in uu carqalad ku yahay amniga iyo xasilloonida dalka, waana tan keentay in laga soo qabto dalkaasi, iyadoona Xukuumadda Nairobi ay fududeysay xariggiisa.

Sufyaan Sheekh Axmed ayaa wareysiyadaasi ku muujiyay, sida uu u taageersan dagaalka ay Shabaabku ka wadaan dalka, bacdamaa sida uu sheegay ay doonayaan in Shareecada Islaamka ku xukumaan Somaliya.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Agaasimaha Hay’adda NISA, Mahad Maxamed Salaad uu bixiyay amarka lagu soo xiray Sufyaan Taakeeye, ka dib markii uu la tashi kala sameeyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo kan Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor). Taakeeye ayaa waxay ehel yihiin Madaxweyne Qoorqoor.

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya halka lagu hayo Taakeeye. Wararka qaar ayaa sheegaya in lagu hayo Xarunta Baarista Xisbiga oo ku dhex taala Villa Somalia, halka warar kalena ay sheegayaan in lagu hayo Xarunta Hay’adda Nabad Sugidda ee Gurigii Habar Khadiijo.

Taakeeye ayaa noqonaya ninkii labaad ee NISA ka soo qabato dalka dibaddiisa, wax ka yar toddobaad. Jimcihii ayay ahayd markii dalka dib loogu soo celiyay Sakariye Kamaal Suufi Abba Sheekh (Saki), kaas oo lagu eedeeyay in uu hubka dibadda uga sii iibin jiray Al Shabaab. Saki oo hadda lagu hayo Muqdisho ayaa laga soo xiray dalka Kenya.

“Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA waxaa ka go’an in ay gudaha iyo dibaddaba ku beegsato cid walba oo gacan saar muuqda iyo mid qarsoonba la leh argagixisada, kuna garab siineysa dhibaatada iyo gumaadka ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yiri warka NISA.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc