Home Wararka Maanta Xasan Sheekh oo reer Hiiraan ku qanciyay in mar kale safka hore ka noqdaan dagaalka

Xasan Sheekh oo reer Hiiraan ku qanciyay in mar kale safka hore ka noqdaan dagaalka

by Laacib

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa soo geba-gabeeyay kulamada maalmihii ugu dambeysay uu Degmada Maxaas kula lahaa siyaasiyiinta, Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee laga soo doorto gobolkaasi iyo weliba dadka deegaanka.

Madaxweynaha oo markii hore si gaar gaar ah ula kulmayay dhinacyadan ayaa la sheegaya in xalay uu si wadajir ah ula kulmay Xildhibaanada, Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) iyo xubno kale oo uu ka mid yahay Cali Jeyte Cismaan, Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan, kaas oo sida la sheegay 25-kii bishii June loo doortay Madaxweynaha Hiiraan State.

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo bartamihii bishaasi xilka ka qaaday Gudoomiye Jeyte ayaa xiisad ka abuurtay gobolkaasi, taas oo weli gobolka ka taagan.

Madaxweynaha Hirshabelle iyo Madaxweyne Kuxigeenka ayaa la fahamsan yahay in ay hal dhinac ka yihiin xil ka qaadista Cali Jeyte.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu dhinacyadu ku qanciyay in khilaafkooda siyaasadeed ay meel iska dhigaan, diiraddana la wada saaro dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Madaxweynaha iyo xubnihii uu la kulmay ayaa ku heshiiyay in loo midoobo dagaalka, wixii tabasho ay qabto beesha bariga Beledweyne-na ay dib isaga iman doonaan.

War ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu tilmaamay in Somaliya ay leedahay hal cadow, oo caqabad ku ah jiritaanka iyo horumarinta dalka, loona baahan yahay in laga gudbo kala aragti duwanaashaha wiiqaya midnimada ummadda, si guulo macno leh looga gaaro dagaal dib-u-xoreynta dalka.

Xildhibaan Cabdirisaaq Cabdullaahi Macalin Ciid oo ka mid ah Xildhibaanadii uu Madaxweynuhu la kulmay ayaa sheegay in lagu heshiiyay in marka hore wax laga qabto xaaladda amni ee dalka, siyaasaddana dib loo dhigo.

“Amnigaa muhiim ah, markii amni la helo ayaa siyaasadda laga wada hadli karaa, haddase mar haddii cadowgu uu ku dul saaran yahay, oo la leeyahay caawa muu imanaya, berri muu imanaya, sidaasi daraadeed wax siyaasad ah oo laga hadli karo ma jirto.” Ayuu yiri Xildhibaan Ciid.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddadii uu ku sugnaa Degmada Maxaas waxaa jiray kulamo lagu kala kacay oo is afgarad la’aan ku soo dhammaaday, inkastoo ugu dambayn Madaxweynuhu uu dhinacyada ku qanciyay in marka hore la iska kaashado la dagaalanka Al Shabaab.

Reer Hiiraan ayaa xudun u ah dagaalka dalka looga saarayo mintidiinta Al Shabaab, waana Gobolka Hiiraan oo bishii September ee sanadkii hore uu ka bilowday kacdoonka dadweyne ee looga soo horjeedo Shabaabka, markii dambena ku fiday Gobolada Shabellaha Dhexe, Galgaduud iyo Mudug, oo colkaasi lagaga saaray inta badan dhulkii ay ka maamulayeen deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa geed gaaban iyo mid dheerba u fuulaya, sidii uu u guuleysan lahaa dadaalkiisa ku aaddan in dalka laga ciribtiro kooxaha argagixisada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc