Home Wararka Maanta Xasan Sheekh oo Xarunta Qaramada Midoobey ku guddoomiyay Shirka Amiga Somaliya (SAWIRRO)

Xasan Sheekh oo Xarunta Qaramada Midoobey ku guddoomiyay Shirka Amiga Somaliya (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Qaramada Midoobey ee Magaalada New York ku guddoomiyay Shirka Amniga Somaliya, oo lagu muujiyay muhiimadda ay gobolka u leedahay dowladnimada iyo amniga Somaliya.

Shirkan oo ay Somaliya soo qaban-qaabisay, ayna ka qaybgelayaan 26 dal, Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo kan Afrika ayaa Madaxweynuhu waxa uu ku soo bandhigay qorsheyaasha hirgelay ee dib-u-dhiska ciidamada, xoreynta deegaanada ku jira gacanta maleeshiyada Al Shabaab, muhiimadda iskaashiga amniga ee heer qaraadadeed iyo heer caalam, bixitaanka Ciidanka ATMIS iyo xasillinta siyaasadeed ee Somaliya.

“Dhimista tirada Ciidamada ATMIS ee Somaliya oo haatan socota waxay caddeyn u tahay horumarka aan ka sameynay qorshaha xaqiijinta Somaliya xasilloon oo leh hay’ado amni oo si buuxda ula wareega masuuliyadda sugidda amniga dalka.” Ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyay dalalka ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee taageeray in cunaqabateynta hubka laga qaado Somaliya, haatana ku garab taagan cafinta-daynta iyo dhismaha Ciidamada Qalabka Sida.

“Waxaan soo dhaweynayaa go’aankii taariikhiga ahaa ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey uu cunaqabateynta hubka kaga qaaday Somaliya. Tani waa guul muhiim ah oo u soo hoyatay Somaliya, waxayna muujinaysaa horumarka la taaban karo ee ku yimid hannaanka maamulka hubka iyo rasaasta ciidamada, iyadoo go’aankani uu awood noo siinayo in aan si buuxda u qalabeyno Ciidamada Qaranka Somaliya.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Shirkan waxaa ka soo qaybgalay dalalka Mareykanka, Ingiriiska, Turkiga, Qatar, Emirate-ka Carabta, Sacuudiga, Shiinaha, Japan, India, Itoobiya, Jabuuti, Uganda, Burundi, Talyaaniga, Jarmalka, Faransiiska, Sweden, Netherlands, Finland, Spain, Norway, Midowyada Carabta, Midowga Afrika iyo Yurub.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc