Home Wararka Maanta Xasan Sheekh oo Xildhibaanada ka dalbaday dhameystirka Dastuurka KMG (SAWIRRO)

Xasan Sheekh oo Xildhibaanada ka dalbaday dhameystirka Dastuurka KMG (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay Kalfadhigga 4aad ee Baarlamaanka Federaalka, isagoona soo bandhigay hiigsiyada qaran ee ay dowladdu dadaalka ku bixisay, kuwaas oo ay ugu horreyaan barnaamijka dayn-cafinta dalka, qaadista cunaqabateynta hubka, aqbalaadda codsiga Somaliya ee ka mid noqoshada Dallada Bulshada Bariga Afrika iyo xoreynta deegaanada ay maamulaan maleeshiyada Al Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay in sanadkan gudihiisa laga guul gaarayo arrimaha inta badan la xiriira dibadda iyo Beesha Caalamka, maadaama la hagaajiyay xiriirka iyo diblomaasiyadda dalkeenna, balse looga fadhiyo dadka Soomaaliyeed in ay ka libin keenaan qorsheyaasha u gaarka ah ee ku aaddan dhameystirka dastuurka, xoreynta dalka iyo nabadda.

Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka ugu baaqay in ay dhameystiraan Dastuurka Qabyo Qoraalka, oo caqabad uu ku yahay Soomaalida iyo qaabka ay Dowladda Federaalka ula macaamileyso dunida.

“Baarlamaanka Somaliya markii uu ansaxiyo shuruucdii loo baahnaa, waxaa ka dhalanaya in dhawaan daynta na laga cafiyo iyo cunaqabateynta hubka oo na laga qaadayo. Dib-u-eegista dastuurkana waxaa ka dhalan doona Somaliya oo loo arko dal iska jaray dabarkii, haddii aan ku guuleysano dhameystirka, adduunka waxaan noqonaynaa dal ay u dhameystiran tahay qaranimadiisu, adduunyaduna ay sidaas ula macaamisho.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka warbixiyay guulaha siyaasadeed, amni, dhaqaale, dib-u-heshiisiinta iyo horumarineed ee ay ku tallaabsatay dowladdu muddadii la soo dhaafay, isaga oo tilmaamay sida ay uga go’an tahay in kor loo qaado nolosha dadka Soomaaliyeed, cirib-tirka saboolnimada iyo daminta colaadaha sokeeye.

“Afartii bilood ee ugu dambaysay waxaa dakhliga gudaha uu kordhay 25%, tani waxaa ay ku timid hawl hufan oo la qabtay, waxaana ay sababtay in miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2024 ay gaarto in ka badan hal bilyan oo dollar. Dowladnimo waxay ku jirta sharci, haddii sharcigu daciif yahay ama aan la dhaqan-gelinayn dowladnimo waa adkaanaysaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa sheegay in dowladdu ay dadaal badan gelisay xasillinta dalka, colaadaha iyo kor u qaadidda xiriirka ka dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, iyada oo la ilaalinayo midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed, waxa uuna baaq nabadeed ka diray khilaafka doorashooyinka ee ka taagan Somaliland iyo Puntland.

Hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa imaanaya, xilli Puntland ay Khamiistii ka horjeedsatay in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka KMG, iyadoo laga leeyahay bay tiri dano siyaasadeed.

War ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka loogu baaqay inaanay qayb ka noqon wax ka bedel kasta ee keeni kara khilaaf siyaasi ah.

“Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Somaliya in aysan qayb ka noqon in meesha laga saaro Dastuurka KMG ka ah iyo wax ka badel kasta ee keeni kara khilaaf siyaasi ah.” Ayaa lagu yiri warka.

Waxa kaloo warka lagu sheegay “Dowladda Puntland waxay caddeynaysaa in aysan qayb ka noqon doonin dhaqangelinta wax ka badel kasta ee dastuurka lagu sameeyo, iyada oo aysan Puntland qayb ka ahayn.”

Qodobka wax ka bedelka ee Dastuurka KMG ayaa maalmihii ugu dambeysay si weyn loo hadalhayay.

Dadka u dhuun-duleela arrimaha siyaasadda ee dalka ayaa si dhow isha ugu haya doodaha ay maalmaha soo socda Xildhibanaadu ka yeelan doonaan wax ka bedelka iyo dhameystirka ee dastuurka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc