Home Wararka Maanta Xasan Sheekh “Waqtiga safarka ee halganka aan Shabaab ku soo gaabinayno, waxay ku xiran tahay hadba inta aan dilno”

Xasan Sheekh “Waqtiga safarka ee halganka aan Shabaab ku soo gaabinayno, waxay ku xiran tahay hadba inta aan dilno”

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wacad ku maray inaanay dowladdiisu ka laaban doonin dagaalkan ay kula jirto maleeshiyada Al Shabaab.

Madaxweynaha oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabad lagu soo xirayay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu soo geba-gabeeyay Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay inaanan cidina lagu eegan doonin in maleeshiyadaasi ay dul joogaan.

“Dadka Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan waxaan rabaa inaan u sheego qof Shabaab lagu fiirsanayo oo looga harayo oo raali laga yahay in Shabaab habeen ku sii hoydo dhulkooda ma jirto, waa lagu soo socdaa, waana laga saaraya dalka, haddii Alle yiraahdo.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa yiri “Shabaab dalka, dadka iyo diinta mid ay u tureen oo ay wax u reebeen, waxna u dhaqaaleeyeen midna ma jirto, mid ay ka xishoodeen ma jirto, mid ay u naxariisteena ma jirto. Marka waxa aysan lahayn ayagu, annagaa iska leh, diinta annagaa leh, dalka annagaa leh, dadku waa dadkayaga oo annagaa leh, waana ka ceshanaynaa waxa aan leenahay, iyaguna waxa ay leeyihiin maba lahanee meeshay aadayaan ayagaa garanaya.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dalka Soomaaliyeed uu yahay mid ballaaran, maalin, bil iyo sanadna aan lagu soo afjari karin kooxaha argagixisada, ha yeeshee ay soo afjaridooda ku xiran tahay, hadba tirada ay ka dilaan kooxahaasi.

“Waqtiga safarka ee halganka ah ee aan Shabaab ku soo gaabinayno, waxay ku xiran tahay hadba inta tabarteenna ah oo aan dilno. Haddii tabarteenna oo dhan oo mideysan oo dhinac u jeeddo, qalbi iyo qowlna ka mideysan aan u jeedsano, waqtigiisu aad iyo aad ayuu u soo koobmayaa.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shacabka ku dhiirigeliyay inaanay hadda ka dib wax baqdin ahi ka muujin farriimaha hanjabaadda ee qaarkood uga imanaya Shabaabka, haddii dagaalka socda uu yahay, kii lagu soo afjari lahaa.

“Waxaan rabnaa inay dadka Soomaaliyeed ogaadaan soo ma noqonayaan Shabaab. Shabaab dagaalaa kula jirnaa, goob dagaal ka dhacay si bay u ooli kartaa dhib ma laha, laakiin dagaalka aan kula jirno ee guud, mid hakanayo ama laga noqonayo ama dib loo dhiganayo midna ma ahan. Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan, waa muujiyeen arrintaasi inay dhab ka tahay oo waddadaasi ay haynayaan.” Ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Dowladda Federaalka.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa sheegaya in hal sano laga joogo, markii uu bilowday dagaalka ay dowladdiisu kula jirto Shabaab, waxaana la joogaa buu yiri waqtigii abaalmarinta.

“Sanad ayaa haatan la gaaray intii dagaalkani uu socday, waxaana la joogaa waqtigii abaalmarinta oo dadka qaarkii la abaalmarin lahaa, oo si jamaaci oo wadajir ah loo abaalmarin lahaa iyo si qof qof ah loo abaalmarin lahaa, illaa iyo hadda inta la soo maray way joogtaa.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray “Dadka qaarkiis ee dadka Soomaaliyeed ku khaldamay ama cabsi Shabaab ha khalado ama maangaabnaan kale haku khalmado ama ula kac ha u khaldamee, ayadana waqtiga inta la isla xisaabtamo lagu eedeyn lahaa ama lagu ciqaabi lahaa amaba lagu ceebeen lahaa, waa la joogaa ayadana. Waxaan Ilaahay ka rajeynaya dadka intiisa badani inay noqdaan kuwa la abaalmarinayo oo la amaanayo, haddii Ilaahay yiraahdo. Illaa iyo hadda anigu ma garanayo cid la ceebeeyo ama la ciqaabo ama wax looga dheelo, laakiin dad badan ayaa ii muuqdo oo xusuustayda ku soo noqnoqonayo oo mudan in la abaalmariyo, laakiin fursad loo waayay, fursadaheedii qaarna ay hadda joogaan, qaarna ay soo socdaan, kuwo nool iyo kuwo dhintayba, intaba.”

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc