Home Wararka Caalamka Xasuuq ka dhacay isbitaal ku yaala Marinka Gaza oo boqolaal qof ay ku dhinteen

Xasuuq ka dhacay isbitaal ku yaala Marinka Gaza oo boqolaal qof ay ku dhinteen

by Laacib

Faah faahino ayaa ka soo baxaya weerar dhinaca cirka ahaa oo xalay lala beegsaday Isbitaalka Al-ahli Arab ee Marinka Gaza, kaas oo galaaftay nolosha boqolaal qof.

Ugu yaraan shan boqol oo qof ayaa la xaqiijiyay in duqayntaasi ku dhinteen, tiro kalena ay ku dhaawacantay, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.

Isbitaalkan oo ku yaala bartamaha Gaza ayaa waxa uu hoy u ahaa kumanaan qof, si ay uga baxsadaan duqaymaha baahsan ee ay Israel ka waddo magaalada.

Dadka dhawaan ka soo barakacay waqooyiga Gaza ee gaaray koonfurta magaalada ayaa la sheegay in qaarkood ay hoy ka dhigteen isbitaalkaasi, xilli dhakhaatiirta ay la tacaalayaan dadka ay waxyeelada ka soo gaarto duqaymaha Israel.

Wasiirka Caafimaadka Falastiiniyiinta, Mai Alkaila ayaa Maamulka Israel ku eedeysay in ay gaysteen xasuuq ka dhan ah rayidka.

Taliska Militariga Israel ayaa si indho la’aan ah isaga fogeeyay masuuliyadda duqayntan, iyagoona dusha kaga tuuray kooxaha Falastiiniyiinta.

Afhayeenka Militariga Israel, Daniel Hagari ayaa sheegay in baaritaanada socda ay muujinayaan inaanay weerarkaasi ka dambayn ciidamadooda, balse ay gayteen sida uu sheegay Xoogaga Islaamic Jihaad.

Islaamic Jihaad ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay eedda uga timid Militariga Israel, isla-markaana aanay weerarka gaysan cid aan Israel ahayn.

Saraakiisha Ururka Xamaas ee ka arrimiya Gaza ayaa dhankooda sheegay in Israel ay iyadu caan ku tahay beegsiga goobaha rayidka.

Ururka dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn (MSF) ayaa sheegay in weerarka xagga cirka ay Isreal saacadihii dambe ee Talaadadii ka gaysatay Gaza uu ahaa xasuuq.

“Waxaan aad uga argagaxnay duqayntii Israel ay ka gaysatay Al-ahli Arab Hospital ee Magaalada Gaza, kaas oo lagu daweynayay bukaanada, laguna martigelinayay barakacayaasha Gaza. Boqolaal qof ayaa la sheegay in la dilay.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay MSF.

Israel ayaa marar badan sidaan oo kale u beegsatay goobo caafimaad oo ku yaala Marinka Gaza.

Waa khasaarihii ugu badnaa ee dadka rayidka ka soo gaara goob qura, tan iyo intii ay Israel bilowday weeraradeeda dhanka cirka ee Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc