Home Wararka Maanta Xeer Ilaalinta Qaranka oo baaritaan ku bilowday shirkado ka mida, kuwa bixinaya Adeegga Xajka

Xeer Ilaalinta Qaranka oo baaritaan ku bilowday shirkado ka mida, kuwa bixinaya Adeegga Xajka

by Laacib

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Garyaqaan Saleymaan Maxamed Maxamuud ayaa shaaciyay in uu baaritaan ku bilaabay shirkado ka mid ah, kuwa Wasaaradda Diinta & Awqaafta ay siisay rusqadda Adeegga Xajka.

Xafiiska ayaa sheegay in shirkadahaasi ay Xujeyda Soomaaliyeed ka qaadeen lacago ka badan, middii ay wasaaraddu jaangoysay, sharcigana la horkeeni doono, kolka baaritaanka la soo geba-gabeeyo.

“Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu baaris ku wadaa shirkado ka mid ah kuwa Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ay sisay Adeegga Xajka oo lacago ka badan tii ay wasaaraddu u jaangoysay Xajka ka qaaday muwaadiniinta Soomaaliyeed. Xafiisku waxa uu horgaynaya maxkamad, marka baaristu dhamaato.” Ayaa lagu yiri warqad ka soo baxday Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Qoraalka warqadda ayaa lagu yiri “Muwaadinka la weydiisto lacag ka badan kuwa wasaaradda joongaysay haku soo wargeliyo xafiiska, asaga oo soo wacaya 4949.”

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc