Home Wararka Maanta Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo dacwad ku soo oogay 18 Sarkaal

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo dacwad ku soo oogay 18 Sarkaal

by Laacib

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in xafiiskiisu uu Maxkamadda Gobolka Banaadir u gudbiyay dacwad ka dhan ah 18 Sarkaal.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in Saraakiishan loo haysto eedo kala duwan, oo ay ka mid yihiin xatooyo xoolo dadweyne, lunsasho & leexsasho xoolo dadweyne, been abuur dokumenti, musuq-maasuq, dayacaad waajibaadkii saarnaa iyo ka faa’iideysi xafiis dowladeed.

Waxa uu sheegay in xubnaha la soo eedeeyay ay sagaal ka mida xiran yihiin, sagaalka kalena ay maqane yihiin.

“Eedeysaneyaasha la eedeeyay ayaa isugu jira sagaal eedeysane oo xiran iyo sagaal eedeysane oo maqane ah.” Ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho.

Eedeysaneyaasha ayaa u badan xubno xilal ka hayay Dowladda Federaalka, sida Agaasimeyaal, masuuliyiin ka tirsanaa Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda, ruqsad siinta ajaaniibta iyo canshuuraha.

Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir ugu baaqay inay soo muddeyso dhageysiga dacwadda ka dhanka ah xubnaha la soo eedeeyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marar badan ku celceliyay in dowladdiisu ay si dhab ah ula dagaalami doonto musuq-maasuqa, isla-markaana aanay aqbali doonin in la lunsado hantida dadweynaha iyo tan qarankaba.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc