Home Wararka Maanta Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane oo lagu weeraray Magaalada Garoowe

Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane oo lagu weeraray Magaalada Garoowe

by Laacib

Kooxo aan heybtooda la garanayn ayaa xalay Magaalada Garoowe ku weerartay gaari uu la socday Xildhibaan Cabdiqani Nuur Aw-Faarax (Dhaashane) oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland.

Xildhibaanka ayaa weerarkan la kulmay, xilli uu ka yimid Hotel Martisoor, kuna sii jeeday hoygiisa, iyadoona uu weerarku ka dhacay afaafka hore ee guriga uu ka degan yahay magaalada.

Xildhibaan Cabdiqani Nuur Aw-Faarax ayaa sheegay in raggaasi oo wejiyada soo duubtay ay la socdeen laba gaari, oo midkood ay ku hor jareen gaarigii uu la socday.

Xildhibaanka oo goor dambe oo xalay ahayd Warbaahinta la hadlayay ayaa waxaa ka muuqday dhaawac ka soo gaaray dhanka wejiga.

“Waxaa la igu bilaabay xabad, waxaana la damcay in gaariga xoog la iga soo saaro, afar nin baa gaariga daaqadihiisa furtay, ninkii daaqadayda furay baan qoriga ku qabsaday markii aan ku qabsadayna nabarka dhaawaca ah baa i soo gaaray, ninkii kale oo i dhinac taagnaa baa qoriga dhabarkiisa wuxuu iga la dhacay wejiga. Nimankaasi waxay lahaayeen ma adigaa dastuur furi kara oo isku dayi kara berri inaad dastuur furtid.” Ayuu yiri Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane.

Waxa kaloo uu sheegay sheegay in weerarkaasi uu ku socday muddo 15 daqiiqo ah, rasaas badana ay raggaasi ku rideen, xilli sida uu sheegay aanay wax ilaali ahi la socon, isla-markaana aanu hubeysnayn.

“Nimankaas muddo 15 daqiiqo baa waxaa nagu socday dagaal, xabado badan bay igu rideen, wax igu dhacay hadda ma leh, waxaana inta badan anigana ku dagaalamayay dhagax, waardiye ila ma socon, bastooladna maanan haysan. Nin muwaadin ah oo magaaladiisii dhex jooga baan ahaa, oo magaaladii uu ku dhashay oo uu ku koray ah, aadna looga yaqaano, mana ahayn dembiile.” Ayuu yiri Xildhibaanku.

Xildhibaan Dhaashane ayaa weerarkaasi ku eedeeyay dhinacyada ka soo horjeeda Madaxtooyada Puntland, ee ka biyo diidan qorshaha uu maamulku ku doonayo in wax ka bedel loogu sameeyo Dastuurka Puntland, wuxuuna intaasi ku daray in maalmihii ugu dambeysay ay soo gaarayeen farriimo loogu hanjabayo, looguna sheegayo in la afduubi doono.

Tani waxay imaanaysaa, iyadoo maanta lagu wado in Magaalada Garoowe uu ka furmo Kalfadhiga Baarlamaanka Puntland, lana filayo in la horkeeno furista dastuurka, si wax lagaga bedelo tirada xisbiyada siyaasadda ee Puntland.

Golaha Wasiirada Puntland ayaa 4-tii bishii May ansixiyay in tirada xisbiyada siyaasadda laga dhigo shan, halka ay markii hore saddex ka ahaayeen, taas oo xiisad siyaasadeed ka abuurtay Puntland.

 

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc