Home Wararka Maanta Xildhibaan Gama’diid oo Taliska Militariga ku eedeeyay masuuliyadda in Shabaab la wareegaan Ceelcadde

Xildhibaan Gama’diid oo Taliska Militariga ku eedeeyay masuuliyadda in Shabaab la wareegaan Ceelcadde

by Laacib

Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed (Gama’diid) oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa Taliska Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ku eedeeyay in ay ka masuul yihiin in maleeshiyada Al Shabaab ay la wareegaan gacan ku haynta deegaanka Ceelcadde, oo hoostagga Degmada Far Libaax ee Gobolka Hiiraan.

Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed ayaa sheegay in weerarkaasi laga baaqsan karay, haddii Ciidanka Difaaca Shacabka ee Macawiisley la siin lahaa taakuladii ay dalbadeen.

Waxa uu sheegay in Xoogaga Macawiisleyda ay heleen xogta in maleeshiyada Shabaabka ay weerar ku soo yihiin Ceelcadde, balse nasiib darro aan la siinin saanad ay weydiisteen Taliska Qaybta 27aad.

“Ciidankii joogay Ceelcadde, markii ay ogaadeen in ciidan aad u xoogan lagu diyaarinayo Buq-goosaar oo 30km wax ka yar u jirta Ceelcadde, waxay saanad ka dalbadeen Taliska Qaybta 27aad. Waagii Taliye Odawaa marka xaaladda ku adkaato loo soo marsiin jiray saanad yar, wuxuu ugu jawaabay xisaab uguma jirtaan dowladdan, waxbana idiinma hayo, sidii laga baqaayayba waxay duulaan cadowgii ku ekeeyeen Ceelcadde oo ay qabsadeen.” Ayuu yiri Xildhibaan Gama’diid.

Xildhibaanka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in la dayaco Macawiisleyda Ceelcadde, oo muddo horfadhiyay sida uu yiri cadowga ummadda Soomaaliyeed.

Xildhibaan Gama’diid oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee laga soo doorto Dowlad Goboleedka Hirshabelle, gaar ahaan Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in tani ay dhaawaceyso kalsoonida ay shacabka ku qabi karaan dagaalkan uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Mudane Madaxweyne ogow, dadkaas aad masuulka ka tahay oo aad cadowga u cidleysay, laba xilli oo aad joogto, xog ogaalna aad u tahay sida ay ula dagaalaan argagixisada Al Shabaab iyo waxaan ku jiraa dagaal in ay dhaawaceyso ka go’naanshahaaga dagaalka iyo kalsoonida shacabka.” Ayuu yiri Xildhibaan Gama’diid oo warkan ku sheegay bartiisa Facebook.

Boqolaal ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab ayaa subaxnimadii Khamiista dagaal muddo kooban socday kula wareegay gacan ku haynta deegaanka Ceelcadde, oo illaa 60km dhinaca galbeed kaga toosan Magaalada Beledweyne.

Ciidankii Macawiisleyda ee deganaa Ceelcadde ayaa la sheegay in ay dib u gurasho sameeyeen, ka dib markii ay garowsadeen inaanay u babac-dhigi karin colkii soo weeraray.

Xoogaga Macawiisleyda ayaa wejigii hore ee hawlgalka door weyn ka qaatay gulufkii mintidiinta Al Shabaab lagaga saaray inta badan deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug.

Warbaahinta ayaa fahamsan in Shabaabku ay walaac xoog lihi ku hayso kaalinta ay Macawiisleydu ku leeyihiin hawlgalka dib-u-xoreynta dalka, maadaama ay iyagu yihiin dadkii deegaanka ee kala garanayay dhulka lagu la dagaalamayo kooxaha argagixisada.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayay muhiim u tahay in Taliska Ciidanka Xoogga Dalka uu ka warqabo xaaladda ciidan ee Macawiisley, si looga hortaggo inaanay Shabaabku dib ugu soo laaban dhulkii horaan laga xoreeyay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc