Home Wararka Maanta Xildhibaan Muudey “Al Shabaab ma joogto meel dambe oo looga aamuso”

Xildhibaan Muudey “Al Shabaab ma joogto meel dambe oo looga aamuso”

by Laacib

Xildhibaan Xasan Cabdiqaadir Muudey oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa si kulul u cambaareeyay falka ay maanta maleeshiyada Al Shabaab ku burburiyeen Masjidkii deegaanka Daaru-nimca ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Shabaabka oo saakay bilaa dagaal kula wareegay gacan ku haynta deegaankaasi ayaa la sheegay in ay miinooyin ku xirixireen dhismaha Masjidka, isla-markaana ay qarxiyeen.

Xildhibaan Xasan Cabdiqaadir Muudey ayaa sheegay in Masjidkan loo dhisay in ay dadka deegaanka ku cibaadeystaan,

“Waxaa halkaasi kaaga cad in Khawaarijtu ay cadow ku yihiin diinteenna suuban ee Islaamka, mana ahan in laga dhageysto inay diinta difaacayaan.” Ayuu yiri Xildhibaan Xasan Cabdiqaadir oo Universaltv la hadlay.

“Masjidkan wuxuu ahaa kii deegaanka ugu weynaa, waana kii ay ku tukan jireen dadka deegaanka iyo dadka kale ee isaga kala yimaada tuulooyinka ku dhow dhow Daaru-nimca.” Ayuu yiri Xildhibaanku.

Xildhibaanka ayaa yiri “Falkan ay maanta sameeyeen Khawaarijtu waa fal aad iyo aad looga xumaado, loogan caroodo, dadkayga waxaan leeyahay ha baraarugaan.”

Waxa kaloo uu yiri “Xagee lagu arkay dad sheeganaya inay Islaam yihiin, haddana cadow ku ah goobihii ay ummadda Muslimiinta ku cibaadeysanayeen? Markii hore dadka ayay xaqdarro ku leynayeen, haddana ma joogto meel dambe oo looga aamuso, nimankan waxay cadow ku yihiin nolosha dadka, dalka iyo diinta.”

Xildhibaan Muudey ayaa dadka reer Hirshabelle ugu yeeray inay u diyaargaroobaan dagaal ay isaga dulqaadaan maleeshiyada Shabaabka, isagoona Dowladda Federaalka ka codsaday in ay ku gacan-siiso dagaalkan.

“Reer Hirshabelle waxaan leeyahay ha u diyaargaroobaan dagaalka cadowgan looga saarayo dhulka Hirshabelle, Dowladda Federaalkana waxaan ugu baaqayaa inay nagu garab-siiso xoreynta dalka.” Ayuu yiri Xildhibaan Muudey.

Xildhibaan Muudey ayaa bulshada deegaanka ugu baaqay in ay ka feejignaadaan siyaasiyiin uu sheegay inay suurtagal tahay in mar kale ay siyaasadeeyaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Bulshada deegaanka ayay la yaab ku noqotay tallaabada ay Shabaabku ku burburiyeen Masjidkii deegaanka Daaru-nimca oo hoostagga Degmada Ruunirgood.

Deegaankan oo horaantii sanadkan laga saaray Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama ayaa waxaa billihii ugu dambeysay saldhig ku lahaa xoogaga Macawiisleyda, oo galabta dib ula wareegay gacan ku haynta deegaankaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc