Home Wararka Maanta Xildhibaan Muudey: Arrin sahal ah ma ahan inuu Madaxweynuhu ku shaqeeyo Dhuusamareeb

Xildhibaan Muudey: Arrin sahal ah ma ahan inuu Madaxweynuhu ku shaqeeyo Dhuusamareeb

by Laacib

Xildhibaan Xasan Cabdiqaadir Muudey oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa wax aan caadi ahayn ku tilmaamay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu si kmg ah ugu shaqeeyo Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

Xildhibaan Xasan Cabdiqaadir Muudey ayaa sheegaya in uu ku faraxsan yahay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu hoggaamiyo wejiga labaad ee gulufka lagu wiiqayo Al Shabaab.

“Marka hore waxaan ku faraxsanahay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu hoggaamiyo wejiga labaad ee hawlgalka la dagaalanka Khawaarijta, isla-markaana uu xarun ka dhigto Dhuusamareeb.” Ayuu yiri Xildhibaan Xasan Cabdiqaadir.

Waxa kaloo uu yiri “Madaxweynaha inuu si ku-meel-gaar ah ugu shaqeeyo Magaalada Dhuusamareen arrin sahal ah ma ahan, mana ahan wax horey dalka uga dhacay, markaad fiiriso muddadii aan dagaalka kula jirnay Khawaarijta.”

Xildhibaan Xasan Cabdiqaadir ayaa yiri “Waxayna tallaabadan uu Madaxweyne Xasan Sheekh qaaday ay daliil u tahay ka go’aanshaha ciribtirka Khawaarijta, wayna iska caddahay inay Madaxweynaha ka go’an tahay inuu dalka oo dhan ka ciribtiro argagixisada Khawaarijta Al Shabaab.”

Xildhibaanka ayaa doorka hoggaamineed ee Madaxweyne Xasan Sheekh ku tilmaamay mid bilow wanaagsan u ah qorshaha hiigsiga mustaqbalka ee dalka looga ciribtirayo kooxaha argagixisada.

“Arrintaana waa bilow fiican oo afka ciidda loogu darayo Khawaarijta, aad iyo aad ayaana ugu bogaadinaya hoggaamiyaha dalka, sida uu ahmiyadda u siinayo xaqiijinta in Somaliya oo dhan ay ka xarowdo cadowgaasi caqabadda ku ah dalka, dadka iyo diinteenna suuban.” Ayuu yiri Xildhibaan Xasan Cabdiqaadir.

Xildhibaan Xasan Cabdiqaadir ayaa shacabka ku baraarujiyay inay garowsadaan in uu dhammaaday waqtigii Al Shabaab, isla-markaana ay ka faa’iideystaan fursadda ay maanta haystaan.

“Anigoo og in shacabka ay rabaan inay iska dulqaadaan Khawaarijta, haddana waxaan ku adkeynayaa inay ka faa’iideystaan imaanshaha Madaxweynaha, ayna fahmaan in waqtigii argagixisada uu dhammaaday.” Ayuu Xildhibaan Muudey oo warkan ku sheegay Facebook.

Socdaalka Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Galmudug ayaa la xiriira wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab, gaar ahaan in xilligan laga sifeeyo deegaanada Galmudug.

Madaxweynaha ayaa Dhuusamareeb kala socon doono abaabulka iyo dardargelinta hawlgalka, isagoona kormeer ku sameynaya furimaha dagaalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc