Home Wararka Maanta Xildhibaan Yaasiin Farey oo si adag u beeniyay wararka sheegaya in ciidamadu ka baxeen Degmada Ceeldheer

Xildhibaan Yaasiin Farey oo si adag u beeniyay wararka sheegaya in ciidamadu ka baxeen Degmada Ceeldheer

by Laacib

Xilildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Farey) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa war aan sal iyo raad toona lahayn ku tilmaamay wararka sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ay isaga soo baxeen Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Waxa uu sheegay in ciidamadu ay si buuxdo gacanta ugu hayaan degmadaasi, isla-markaana aanay waxba ka jirin inay soo banneeyeen degmada.

Xildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud oo hadda ku sugan degmadaasi ayaa yiri “Aniga waxaan ku suganahay dhinaca Degmada Ceeldheer, waxaas waan maqlayay, laakiin waxba kama jiraan, aniga kula hadlayo ayaa ku sugan Degmada Ceeldheer.”

Waxa kaloo uu yiri “Waxaan rabaa inaan u sheego guud ahaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka reer Galmudug iyo Bariga Gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka inaysan jirin wararka sheegaya, ee ah in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka soo baxeen furimaha dhanka aniga aan ku suganahay.”

Yaasiin Farey oo horey u soo noqday Kusimaha Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa iftiimiyay inaanu wax dhib ama culeys ah midna ka jirin degmadaasi.

“Aniga ayaa ku sugan gudaha magaalada, waxaana jooga Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamada deegaanka, oo ku filan difaaca degmada, aniguna magaalada gudaheeda ayaan deganahay, wax dhib ah ama culeys ah aan dareemayo haba yaraatee ma jirto.” Ayuu yiri Xildhibaanka oo VOA la hadlay.

Waxa uu sheegay in ay iska war qabaan Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, isla-markaana aanay suurtagal ahayn in masuuliyiinta ay qorsheynayaan in ciidamada ay dib uga soo baxaan xeryaha ay ku leeyihiin degmadaasi.

“Ma jiraan, ma jiraan oo wax dhici karta maba ahanba, degmadan waad la socotaa waxaa la qabtay bishii January ee sanadkan. Taliska Ciidanka Xoogga Dalka aad baan uga war haynaa iyo Wasaaradda Gaashaandhigga, wax hadda annaga aan ognahay oo in laga baxo ah Degmada Ceeldheer ma jiraan.” Ayuu yiri Xildhibaan Yaasiin Farey.

Xildhibaanka oo wax laga weydiiyay xaaladaha degmooyinka deriska la ah degmadaasi, sida Ceelbuur oo kale ayaa wuxuu sheegay in isagu uu ka warami karo oo keliya Ceeldheer iyo deegaanada ku teedsan.

“Aniga inta aan ka war hayo waa degmadan hadda aan ku suganahay iyo deegaanada ku xeeran, dadkeedana way abaabulan yihiin, Ciidanka Xoogga Dalkana waa u diyaarsan yihiin, ciidamada deegaankana ayaga ayaa hadda gacanta ku hayo amniga iyo difaaca Degmada Ceeldheer.” Ayuu yiri Yaasiin Farey oo muddooyinkii ugu dambeysay ku sugnaa furimaha dagaalka.

Saraakiisha Ciidamada iyo siyaasiyiinta deegaanka ayaa muddooyinkanba Degmada Ceeldheer ku diyaarinayay ciidamo loogu talagalay in ay qabtaan deegaanka Shaway, oo hoostagga Degmada Galhareeri, isla-markaana ay gacan ka gaystaan hawlgalka la doonayo in ciidamadu ay Shabaabka kaga saaraan Galhareeri, oo ah degmada qura ee ay xilligan Shabaabku kaga harsan yihiin Gobolada Dhexe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc