Home Wararka Maanta Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug oo meelmariyay degmooyin cusub (SAWIRRO)

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug oo meelmariyay degmooyin cusub (SAWIRRO)

by Laacib

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta ansixiyay saddex degmo oo cusub, oo ka mid noqonaya degmooyinka Galmudug.

Kulankan oo uu shir guddoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Dr. Maxamed Nuur Gacal ayuu ajandihiisu ahaa, 1; doodda iyo ansixinta wax ka bedelka Dastuurka Galmudug, 2; ansixinta qaraarka xukuumadda ee degmeynta degmooyinka cusub ee Galmudug.

Xildhibaanada oo kulankoodan ku yeeshay Xaruntooda Magaalada Dhuusamareeb ayay ku meelmariyeen wax ka bedelka Dastuurka Galmudug iyo degmeynta Degmooyinka Bandiiradley, Dhabad iyo Galinsoor, oo ka kala tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in 49 Xildhibaan ay haa ugu codeeyeen degmeynta degmooyinkaasi, iyadoo aanay jirin sida uu sheegay cid ka aamustay amaba diidday.

“Sidaas ayay ansax ku yihiin, degmooyinkiina ay ku ansaxeen.” Ayuu yiri Maxamed Nuur Gacal, Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo kulankii galabta ka hadlayay.

Ka hor inta aanay Xildhibaanadu ansixin degmooyinkaasi, Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug, Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel) oo ka hor hadlayay Xildhibaanada ayaa sheegay in degmooyinkaasi ay soo buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa, isla-markaana ay ka codsanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka inay ansixiyaan, si aan u helno buu yiri siyaasad xasilloon, adeeg buuxa iyo in dadka reer Galmudug ay ku kalsoonaadaan xukuumaddooda iyo golahooda sharci-dejinta.

Horaan, Baarlamaanka Galmudug ayaa ansixiyay in Degmooyinka Wisil iyo Baxdo ay ka mid noqdaan degmooyinka maamulkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc