Home Wararka Maanta Xildhibaanada Baarlamaanka oo ansixiyay miisaaniyaddii ugu badneyd ee qaranka (SAWIRRO)

Xildhibaanada Baarlamaanka oo ansixiyay miisaaniyaddii ugu badneyd ee qaranka (SAWIRRO)

by Laacib

Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda Federaalka ee sanadka soo socda ee 2024.

Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shir guddoominayay kulankan wadajirka ah, oo Mudaneyaasha Labada Gole ay ku yeesheen Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeisa.

Kulanka oo ajandihiisu uu ahaa warbixinta akhrinta 2aad iyo akhrinta 3aad ee Xeerka Qoondada Miisaaniyadda 2024 ayay ugu dambayn Xildhibaanadu cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Miisaaniyadda Qaranka ee 2024.

Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in 186 Xildhibaan ay ogolaadeen meelmarinta miisaaniyadda, iyadoo ay 3 Xildhibaan diiday, mana jirin cid ka aamustay.

Wasiirka Maaliyadda Somaliya, Biixi Imaan Cige ayaa Xildhibaanada Labada Aqal kaga mahadceliyay ansixintooda iyo talooyinka ay ku biiriyeen miisaaniyadda.

Golaha Wasiirada ayaa 28-kii bishii October meelmariyay ku talagalka miisaaniyadda ee sanadka 2024 oo dhan $1,025,687,991 (Hal bilyan iyo shan iyo laabatan milyan oo dollar).

Miisaaniyaddan ayaa noqonayso tii ugu badneyd ee la meelmariyo, tan iyo intii dib loo yegleelay Dowladnimada Somaliya, muddo haatan laga joogo 23 sano.

Miisaaniyadda Dowladda Federaalka ee sanadkan sii dhammaanaya ee 2023 ayaa ahayd $973,985,805.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc