Home Wararka Maanta Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay wax ka bedelka dastuurka (SAWIRRO)

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay wax ka bedelka dastuurka (SAWIRRO)

by Laacib

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo kulan ku yeeshay Magaalada Garoowe ayaa ansixiyay soo jeedintii xukuumadda ee wax ka bedelka Dastuurka Puntland.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayuu kooramkiisu ku furmay 35 Xildhibaan oo soo xaadirtay, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Guddoonka Baarlamaanka Puntland.

Qoraal lagu daabacay bogga Golaha Wakiilada Puntland ee Facebook ayaa lagu sheegay in dood iyo fallanqeyn ka dib ay Xildhibaanadu ansixiyeen soo jeedinta wax ka bedelka dastuurka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in 34 Xildhibaan ay haa ugu codeeyeen wax ka bedelka dastuurka, halka Xildhibaan qura uu diiday.

“Dood iyo fallanqeyn dheer ka dib oo ay ka yeesheen Mudaneyaasha Golaha, waxaa ogol ugu codeeyay 34 Mudane, diidmo 1 Mudane, cid ka aamustayna ma jirin, waxaana sidaas ansax ku noqday soo jeedinta wax ka bedelka dastuurka.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Tani ayaa imaanaysa, xilli uu dagaal xoogan ka socdo agagaarka Xarunta Baarlamaanka ee Garoowe, kaas oo u dhaxeeya Ciidamada Puntland iyo ciidamo kale oo taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka.

Mucaaradka ayaa si weyn uga soo horjeeday qorshaha dib loogu furayo dastuurka, si wax ka bedel loogu sameeyo qodobka la xiriira tirada xisbiyada siyaasadda Puntland oo shan laga dhigayo, halka ay markii hore saddex ka ahaayeen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc