Home Wararka Maanta Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo la dhaariyay (SAWIRRO)

Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo la dhaariyay (SAWIRRO)

by Laacib

Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka ee Baarlamaanka Puntland ayaa maanta shaaciyay liiska Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee maamulka oo ka kooban 66 Xildhibaan.

58 ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka 6aad ee Puntland ayaa lagu dhaariyay Xarunta Baarlamaanka ee Magaalada Garoowe.

Xildhibaanada cusub ee Golaha Wakiilada Puntland ayaa Xildhibaan Xasan Cabdalla Xasan u doortay in uu noqdo Gudoomiyaha Ku-meel-gaarka.

Liiska Xildhibanaada Golaha Wakiilada ayaa waxaa ka soo muuqatay Muno Axmed Cabdalle (Muno Diyaano), waana haweeneyda keliya ee ka tirsan Baarlamaanka 6aad.

Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa si weyn uga horyimid liiska Xildhibaanada ee la soo saaray, iyaga oo ku tilmaamay mid been abuur ah, isla-markaana baalmarsan habraacii rasmiga ahaa.

Mucaaradka Puntland ayaa ku dhawaaqay inaysan doorashada ku geli doonin liiska Xildhibaanada lagu muransan yahay.

Mucaaradka ayaa Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uga digay inaanu Puntland u horseedin qalalaase siyaasadeed, burbur iyo weliba amni darro.

Madaxweyne Deni ayaase isagu soo dhaweeyay liiska Xildhibaanada iyo shir guddoonka ay doorteen, sida uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

“Waxaan u hambalyeeynayaa Xildhibaanada Baarlamaanka 6aad ee Dowladda Puntland oo maanta la dhaariyay iyo Guddoonka KMG ah ee ay doorteen. Allaah Waxaan uga baryayaa in uu u fududeeyo masuuliyadda ay qaadeen, anigoo u rajeynayaa in ay waajibaadkooda si dhakhso ah u gutaan, sida Doorashada Guddoonka Golaha Wakiilada iyo tan Madaxtooyada.” Ayuu yiri Deni.

Xildhibaanada cusub ayaa waxaa qayb ka ah 17-kii Xildhibaan ee SSC Khaatumo ku metelayay Baarlamaanka Puntland, iyadoo Garaadada SSC Khaatumo ay 23-kii bishii December ay shaaciyeen inaysan soo qori doonin 17-ka Xildhibaan ee ku metela Baarlamaanka Puntland, sidoo kalena aysan jiri karin cid iska sharaxi karta.

Isimada Dhaqanka Puntland ayaa Jimcihii ku taliyay in doorashada lagu galo 49 Xildhibaan, lana ixtiraamo go’aanka Maamulka & Garaadada SSC Khaatumo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc