Home Wararka Maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ka dhiidhiyay falka iyadoo nool lagu gubay Luul Cabdicasiis

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ka dhiidhiyay falka iyadoo nool lagu gubay Luul Cabdicasiis

by Laacib

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa laamaha amniga ka dalbaday in ay si degdeg ah sharciga u horkeenaan nin dhallinyaro ah, kaas oo dhawaan xaaskiisa ku gubay hoygooda oo ku yaala Magaalada Muqdisho, iyadoona dhaawicii ka soo gaaray dabkaasi ay u geeriyootay Khamiistii.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa Sayid Macalin Daa’uud ku eedeeyay in 26-kii bishii January uu dab qabadsiiyay hoygooda oo ku yaala Degmada Dharkiinley, gaar ahaan Waaxda Labaad, xilli ay ku sugnaayeen xaaskiisa Luul Cabdicasiis Maxamed iyo carruurteeda.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) ayaa sheegay in eedeysanaha uu dhacdada ka dib ka baxsaday goobta, tan iyo xilligaana uu baxaad ku maqan yahay.

Afhayeenka ayaa xaqiijiyay in eedeysanaha falka uu guriga ku gubay u adeegsaday dab iyo basiin/batrool, ka hor inta aanu goobta ka baxsan.

Taliska Booliska ayaa galabta soo bandhigay sawirka ninkaasi iyo qoraal ay ku sheegayaan in abaalmarin aan cadadkeeda la shaacin la siin doono ciddii keenta xog horseedi karta in la soo qabto eedeysanaha.

Kulankii ay maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka ku yeesheen Xaruntooda Villa Hargeisa ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa hareeyay dhacdada argagaxa leh ee lagu la kacay marxuumad Luul Cabdicasiis.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa fadhigooda ku muujiyay dareenka ay ka qabaan dilka naxdinta leh ee loo gaystay hooyadaasi oo xaamilo ahayd, sidoo kalena haysatay carruur agoon ah oo ay u dhashay saygeedii hore ee geeriyooday.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in eedeysanaha gaystay falkaasi bulshada ka argagaxiyay uu weli ka maqan yahay gacanta sharciga.

Xildhibaanada ayaa laamaha amniga ugu yeeray in ay si degdeg ah u soo qabtaan eedeysanaha, maxkamadna ay horkeenaan.

Xildhibaan Saynab Maxamed Caamir ayaa haweenka ka tirsan Baarlamaanka Federaalka iyo dumarka Soomaaliyeedba ugu baaqday in 15-ka bishan ay isugu soo baxaan bannaanbax ay kaga dhiidhinayaan falka foosha xun ee hooyadaasi lagu dilay, waxayna codsatay in la garab istaago, gurmadna loo fidiyo agoontii ay ka tagtay.

Dhanka kale Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa sheegay in dhacdadaasi ay u xil saareen Guddiga Xuquuqul Insaanka Haweenka & Arrimaha Bani’aadanimada ee Golaha Shacabka.

Gudoomiye Abshirow ayaa guddiga faray in sida ugu dhakhsaha badan ay ka hawlgalaan arrintaasi, ayna u yeeraan laamaha ammaanka iyo xeer ilaalinta, warbixin degdeg ahna ay ku soo celiyaan fadhiga golaha.

Ciidamada amniga ayaa geerida ka dib haweeneydaasi ku soo baraarugay baxsadka uu ku maqan yahay ninka ku eedeysan falka iyadoo nool lagu gubay hooyadaasi, oo ifka uga tagtay lix carruur ah, sida uu sheegay Guddoonka Golaha Shacabka.

Ciidamada ayaa hadda eedeysanaha ka raadinaya god kasta oo uu ku dhuuman karo, iyagoona ku howlan, sidii ay sharciga ku horkeeni lahaayeen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc