Home Wararka Maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka oo u yeeray Wasiirka Arrimaha Gudaha (SAWIRRO)

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo u yeeray Wasiirka Arrimaha Gudaha (SAWIRRO)

by Laacib

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalkaa ayaa maanta kulan ka yeeshay daadadka iyo fatahaadaha ka jira Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya.

Kulanka oo Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) uu shir guddoominayay ayuu ajandihiisu ahaa xaaladda fatahaadaha & khasaaraha ka dhashay, qaybtinta warbixinta xisaab xirka sanad maaliyadeedka ku dhammaaday 31-ka December ee 2022 iyo qaybinta qoondada miisaaniyadda ee 2024.

Xildhibaanada ayaa dood ka yeeshay warbixinta golaha la horkeenay ee la xiriirta dhibaatada ay gaysanayaan roobabka xoogan ee ka da’aya qaybo ka mida gobolada dalka iyo xaaladda adag ee ay wajahayaan qoysaska ay barakaciyeen fatahaadaha ay gaysanayaan Webiyada Shabelle & Jubba iyo daadadka ku soo rogmaday deegaanadoodii.

Marka aad milicsato baaxadda saamaynta biyaha ayaa waxaa aad u hooseeya gurmadka gaaraya qoysaska ay dhibaatadu gaartay.

Xildhibaanada ayaa ku baaqay in loo yeero Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo hay’adaha ay Dowladda Federaalka u xilsaartay gurmadka loo fidinayo dadka ay fatahaadaha iyo daadadku saameeyeen.

Gudoomiye Aadan Madoobe oo kulanka soo xiray ayaa go’aansaday in loo yeero Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka, Axmed Macalin Fiqi iyo Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SODMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, si wax looga weydiiyo xaaladda fatahaadaha iyo daadadka ka jira dalka.

Roobabka mahiigaanka ah ee ka da’aya dalka ayaa ka dhashay isbedelka cimilada adduunka, oo ay sababtay duufaanka El-nino.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc