Home Wararka Maanta Xildhibaano ku dhintay qarax ka dhacay deegaanka Ceelgaras

Xildhibaano ku dhintay qarax ka dhacay deegaanka Ceelgaras

by Laacib

Ugu yaraan saddex qof oo laba ka mida ay Xildhibaano yihiin ayaa ku dhintay qarax maanta ka dhacay deegaanka Ceelgaras ee Gobolka Galgaduud.

Qaraxa ayaa dhacay, ka dib markii Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ay la wareegeen gacan ku haynta deegaankaasi, oo dhaca waddada xiriirisa Magaalooyinka Ceelbuur iyo Dhuusamareeb.

Xildhibaanadan ayaa lagu kala magacaabaa Xildhibaan Maxamed Maxamuud Axmed (Maxamed Yare), oo ka tirsanaa Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug iyo Xildhibaan Cabdullaahi Ibraahim Shaaciye, oo ka tirsanaa Golaha Deegaanka Dhuusamareb.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Abshir Cabdi Shiiqow ayaa xaqiijiyay geerida labada Xildhibaan, ka dib markii ay ku istaaggeen miinooyin ay halkaasi Shabaabku ku aaseen.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ayaa maalmihii ugu dambeysay ku sii siqaayay Ceelgaras, oo Shabaabku ku lahaayeen difaacooda bari ee Ceelbuur.

Qabsashada ciidamada ee Ceelgaras ayaa kala jareysa gurmadkii maleeshiyada Shabaabka ee Ceelbuur, aagga Qaayib illaa Xiindheere.

Ciidamada ayaa hawlgalo sifeyn ah ka wada waddada dheer ee xiririisa Dhuusamareeb iyo Ceelbuur.

Taliyaha Guutada 6aad, Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Aadan Abshir Nuure (Laba Afle) ayaa hoggaaminaya ciidamada jihada bari ka kulaalaya Ceelbuur.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc