Home Wararka Maanta Xildhibaano taageersan Gudoomiye Jeyte oo gaaray Magaalada Beledweyne (SAWIRRO)

Xildhibaano taageersan Gudoomiye Jeyte oo gaaray Magaalada Beledweyne (SAWIRRO)

by Laacib

Diyaaraddan oo ay la socdeen laba ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta ka degatay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne, ka dib markii Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan ee xilka laga qaaday uu Axaddii iclaamiyay inaanay diyaaraduhu iman karin deegaanada Gobolka Hiiraan.

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale iyo Xildhibaan Maxamed Cabdiqaadir Maxamed ayaa waxaa Garoonka Ugaas Khaliif ku soo dhaweeyay xubno uu ka mid yahay Gudoomiye Cali Jeyte Cismaan oo isagu ka biyo diiday xil ka qaadistii uu ku sameeyay Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Xildhibaanadan oo laga soo doorto gobolkaasi ayaa qayb ka ah Xildhibaanada deegaanka ee ka horyimid xil ka qaadistaasi, oo ay ku sheegeen mid lagu curyaminayo hawlgalada gobolka lagaga sifeynayo maleeshiyada Al Shabaab.

Gudoomiye Jeyte oo ka hadlayay kulan soo dhaweyn ah oo Xildhibaanadaasi loogu sameeyay Xarunta Gobolka Hiiraan ee Beledweyne ayaa isagoo ka duulaya, sida ay dadka gobolkaasi ula safan yihiin sheegay in dadku ay u baahan yihiin hoggaamin.

“Mushtamaca hoggaamin ayuu u baahan yahay, waxaad aragteen dareenka dadka, waadna daawateen meel kastoo uu joogo deegaanka dadkan ka soo jeedaan, min tuulo, gobol iyo magaalo.” Ayuu yiri Gudoomiyuhu.

Gudoomiyaha ayaa Xildhibaanadaasi ugu baaqay inay hoggaamiyaan dareenka dadweynaha, salkana ay meel u dhigaan.

“Waxaan idinka codsanaynaa dareenkaas inaad hoggaamisaan, salkana meel u dhigtaan, haddii Alle idmo.” Ayuu yiri Gudoomiye Jeyte.

Jeyte ayaa yiri “Dadkan waa lagu xisaabtamaa, marka siyaasadda laga hadlayo, laakiin ayagu ma xisaabtamaan, maanta waxay u taagan yihiin inay xisaabtamaan.”

Jeyte ayaa xil ka qaadistiisii ka dib sheegay in hadda ka dib aanay reer Hiiraan qayb ka ahayn Dowlad Goboleedka Hirshabelle, isla-markaana ay dhisan doonaan maamul iyaga u gaar ah.

Dadka reer Hiiraan ayaa muddo dheer ka cabanayay in sad-bursi lagu sameeyay, marka aad eegto in dadka wax kala dhaxeeyaan ee ku dhaqan Gobolka Shabellaha Dhexe ay isku qaateen Madaxweynihii iyo xaruntii maamulka oo Jowhar ah.

Jeyte ayaa Axaddii sheegay in dadka reer Hiiraan aan hadda ka dib lagu khasbi doonin in ay ka sii mid ahaadaan Hirshabelle.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc