Home Wararka Caalamka Xisbullah oo digniin adag u jeedisay Israel, xilli ay dagaal isku diyaarineyso

Xisbullah oo digniin adag u jeedisay Israel, xilli ay dagaal isku diyaarineyso

by Laacib

Ururka Xisbullah ayaa Maamulka Israel uga digay hawlgalka la sheegay inay isku diyaarinayaan ee ka dhanka ah ururkaasi.

Kuxigeenka Hoggaamiyaha Xisbullah, Naim Qassem ayaa sheegay in Israel ay la kulmi doonto cawaaqib daran, haddii ay isku dayaan inay uga sii daraan xiisadda haatan ka taagan xuduudda Israel iyo Lubnaan.

Taliyaha Ciidamada Israel, General Herzi Halevi ayaa toddobaadkan sheegay inay suurtagal tahay in Israel ay qaaddo guluf militari oo ka dhan ah Ururka Xisbullah ee ka arrimiya koonfurta dalkaasi Lubnaan, ka dib markii ay kordheen duqaymaha ay dhinacyadu isku dhaafsanayaan xuduudda.

Hoggaamiye Kuxigeenka Xisbullah ayaa sheegay in xoogagooda ay jawaab adag ka bixin doonaan, haddii ay Israel xoojiso xiisadda ka jirta xadka ay wadaagaan.

Naim Qassem ayaa war uu xalay soo saaray ku sheegay inaysan xasillooni buuxda ku soo laaban doonin xadka waqooyi ee Israel, illaa iyo inta ay Tel Aviv ka soo afjareyso duulaankeeda Marinka Gaza.

Waxa uu Tel Aviv ugu baaqay inay joojiso dhiigga ay gacmaha kula jirto, si dadkeeda barakaca ku maqan ay dib ugu soo laabtaan guryahooda.

Tobanaan kun oo qof oo shacabka labada dhinac ah ayaa ku barakacay is tuurtuurka gantaalada ee ka jira deegaanada ku teedsan xuduudda.

Naim Qassem ayaa tilmaamay inta ay socoto gardarada Israel ee Gaza inay Tel Aviv la kulmi doonto sida uu yiri gardaro aan dhammaad lahayn, si loo jebiyo duulaankeeda Gaza.

“Cadowgu waa inuu ogaadaa inaan diyaar u nahay in aan isku diyaarino mabda’a ah gardaro aan dhammaad lahayn inay dhici karto, si la mid ah rabitaankiina, si aan dib u riixno gardarada aan dhammaadka lahayn ee lagu hayo Gaza.” Ayuu yiri Naim Qassem.

Wargeyska Washington Post oo soo xiganaya diblomaasiyiin reer galbeed ah iyo saraakiil reer Lubnaan oo aan la magacaabin ayaa sheegay in daba-yaaqada bishan January ay Israel sare u qaadi karto hawlgalkeeda furinta kaga furan waqooyiga Israel.

Ka dib weerarkii Xamaas ay 7-dii October ka gaysatay dhulka ay Israel maamusho, Xisbullah iyo Israel ayaa tan iyo 8-dii bishaasi gantaalo isku weydaarsanayay xuduudda.

Kor u kaca weerarada ka socda xadka labada dhinac ayaa xoojinaya dareenka cabsida ee ku aaddan in dagaalka Gaza uu halis ku yahay inuu ku fido gobolka. Dad badan ayaana ka cabsi qaba in isku dhaca uu sii xumaado.

Xisbullah ayaa mar sii horreysay sheegtay in weerarada ay xoogageeda ka gaysanayaan fariisimaha ay Ciidamada Israel ku leeyihiin aagga xadka Lubnaan ay yihiin kuwo ay ku taageerayaan shacabka Falastiiniyiinta ee dagaalka kula jira Israel.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc