Home Wararka Caalamka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo codsi u diray Madaxweynaha Ruushka

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo codsi u diray Madaxweynaha Ruushka

by Laacib

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin u gudbiyay warqad uu kaga codsanayay inaanan la hakin heshiiska dibadda loogu dhoofiyo wax soosaarka beeraha ee Ukraine.

Ruushka iyo Ukraine ayaa 22-kii bishii July ee sanadkii hore ku heshiiyay in dibadda loo dhoofiyo qamadiga Ukraine ee ku xaniban Dekedda Odessa ee Badda Madow. Heshiiskan ayaa waxaa garwadeen ka ahaa Qaramada Midoobey iyo Turkiga.

Ka dib duulaankii Ruushka ee Ukraine, Moscow ayaa joojisay in dibadda loo iibgeeyo tacabka beeraha ee dalkaasi, inkastoo billo ka dib ay fasaxday.

Heshiiska ayaa ku eg toddobaadka soo socda, waxaana laga cabsi qabaa inaanu Ruushku dib u cusbooneysiin, waana tan keentay in Xoghaye Guterres uu warqadda codsiga ah u diro Aqalka Kremlin-ka ee Ruushka looga arrimiyo.

Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Stephane Dujarric ayaa sheegay in Mr. Guterres uu juhdi badani ku bixinayo, sidii heshiiskaasi uu u sii shaqayn lahaa.

Afhayeenka ayaa sheegaya in lagu jiro xilli xasaasi ah, xilli Moscow ay marar badan sheegtay inaanay faa’iido muuqan ugu jirin heshiiskan, iyadoo ay sii kordhayaan cunaqabateynada ay ku soo rogayaan Reer Galbeedka.

Duulaankan Ruushka ee Ukraine ayaa dunida ka abuuray sicir barar baahsan, iyadoona dalal badan laga soo wariyay in sahayda cunnada ay gabaabsi ku sii tahay, gaar ahaan qamadiga iyo burka.

Duulaankan ayaa laga dhexlay qalqal dhaqaale oo ku yimid suuqyada caalamiga, bacdamaa ay dalal fara-badan ku tiirsanaayeen Cunnada iyo wax soosaarka beeraha ee Ruushka iyo Ukraine.

Ruushka iyo Ukraine ayaa dibadda u iibgeeya boqolkiiba soddon (30%) sareenka dunida laga isticmaalo, taas oo ka dhigan boqolkiiba afartan (40%) sareenka Afrika laga isticmaalo.

Labadan dal ayaa ka hor duulaanka waxay sidoo kale ay dunida u dhoofin jireen waxyaabaha loo isticmaalo bacriminta dalaga beeraha, oo dalal fara-badan ay ka faa’iideysan jireen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc