Home Wararka Caalamka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo la yaabay, sida ay Israel uga been abuurtay

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo la yaabay, sida ay Israel uga been abuurtay

by Laacib

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa iska fogeeyay eedeynta uga timid Maamulka Israel, ka dib markii Talaadadii uu Shirka Golaha Ammaanka ka sheegay in Israel ay ku xadgudubtay sharciga caalamiga ee bani’aadantinimada iyo kan dagaalka, marka aad eegto duqaymaha baahsan ay ka gaysaneyso Marinka Gaza oo galaafatay nolosha kumanaan qof oo rayid ah.

Xoghayaha ayaa sheegay in weerarkii Xamaas ay 7-dii bishan ka gaysatay dhulka la haysto uu la xiriiro uun mid ka dhan ah gumeysiga ay Israel muddada dheer ku hayso shacabka Falastiiniyiinta.

Safiirka Israel u fadhiya Qaramada Midoobey, Gilad Erdan ayaa wax laga naxo ku tilmaamay in Xoghayuhu uu u qiil dayo weerarkii Xoogaga Xamaas, oo ay ku dhinteen buu yiri 1,400 oo qof oo Israeliyiin ah. Safiirka ayaana Xoghayaha ka dalbaday in xilka uu ka dego.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Eli Cohen oo dhalleeceeyay hadalka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa baajiyay kulan la qorsheeyay, oo lagu waday in Xoghayuhu uu kula yeesho Magaalada New York.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in uu la yaabay, sida looga been abuurtay hadalkiisa, isagoona hoosta ka xariiqay inaanu marnaba wax qiil ahi u dayin weerarkii Xamaas.

Xoghayaha ayaa sheegay in si khaldan loo fasirtay khudbaddiisii uu ka jeediyay fadhigii gaarka ahaa ee Golaha Ammaanka, oo looga hadlayay xiisadda ka taagan Bariga Dhexe, waxaana uu eedeynta uga timid Israel ku tilmaamay mid been abuur ah.

“Waxaan la yaabay, sida ay u been abuureen qaar ka mid ah hadaladayda, sidii inaan qiil uga bixinayo falalka argagixisanimo ee Xamaas.” Ayuu yiri Xoghayuhu.

Xoghayaha ayaa yiri “Marka aan fiirino cabashada shacabka Falastiiniyiinta iyo ciqaab wadareedka lagu hayo, ma ahan mid loogu marmar-siyoon karo weerarkii argagaxa lahaa ee Xamaas.”

Waxa uu sheegay in hadalkiisii uu ahaa mid uu ku muujinayo in ay muhiim tahay in la aqoonsado in weerarada Xamaas aysan ka iman meel bannaan, lana fahmo in ay jirto sabab ay Xamaas u dagaalameyso.

António Guterres, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo mar kale cambaareeyay weerarkii aan horey noociisa loo arag ee Xamaas ka gaysatay dhulka ay Israel maamusho ayaa ugu baaqay in ay sii daayaan maxaabiistii ay ku soo qafaasheen weerarkaasi.

Xoghayaha ayaa Israel ugu yeeray in ay joojiso dadka ay sida xun ugu dhibaateynayaan Marinka Gaza, isla-markaana ay muhiim tahay in la ilaaliyo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Xoghaye Guterres ayaa wax laga walaaco ku qeexay xaaladda adag ee ka jirta Gaza, oo dadkeedu ay ku la’anayaan duqaymaha sii kordhaya ee Israel, caqabadna ay ku tahay go’doominta guud ee Tel Aviv gelisay magaalada.

Guterres ayaa ku celiyay baaqiisii ahaa in dhinacyadu ay gaaraan xabad joojin degdeg ah, si loo badbaadiyo nolosha dadka rayidka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc