Home Wararka Caalamka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo markii ugu horreysay adeegsaday qodob ka dhan ah Israel

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo markii ugu horreysay adeegsaday qodob ka dhan ah Israel

by Laacib

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa cuskaday qodobka 99-aad ee Axdiga Qaramada Midoobey, isagoo ku booriyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey inay qaadaan tallaabo lagu joojinayo duulaanka Israel ee Marinka Gaza.

Qodobka 99-aad waxa uu u ogolaanayaa Xoghayaha Guud in uu horkeeno Golaha Ammaanka arrin kasta oo ra’yigiisa ah, khatar gelin karta ilaalinta nabadda iyo amniga caalamiga ah.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa xalay Xubnaha Golaha Ammaanka ka codsaday in ay ka hortaggaan masiibo bani’aadantinimo oo weyn oo Israel ay ka gaysato Marinka Gaza.

Tallaabadan naadirka ah ayaa ku soo beegantay, iyadoo 15-ka xubnood ee Golaha Amaanka aysan weli meelmarin qaraar ku baaqaya xabad joojin dhex marta Israel iyo Xamaas.

António Guterres, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in duulaanka Israel ee Gaza iyo xoogga ay ku haysato dhulka Falastiiniyiinta ay kaga sii dari doonaan khataraha jira ee ka dhanka ah ilaalinta nabadda iyo ammaanka caalamiga ah, sidaasi daraadeedna uu codsanayo in la qaado tallaabooyinka lagama maarmaanka ah.

“Silica bani’aadantinimo ee naxdinta leh, burburka & waxyeelada Israel ay gaysaneyso iyo dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto, waxay halis ku yihiin nabadda iyo ammaanka caalamiga ah.” Ayuu yiri Xoghaye Guterres.

Xoghaye Guterres waxa uu sheegay in si fudud aysan u jirin ilaalin wax ku ool ah oo loo fidiyo dadka rayidka ah, mana jirto buu yiri meel ammaan ah.

“Isbitaalada waxay isu bedeleen goobo dagaal. Duqaymaha joogtada ah ee Israel, waxay dhammaan qaybaha Gaza ka dhigeen meel aan lahayn hoy amaba waxyaabaha lagama maarmaanka u ah in lagu noolaado.” Ayuu yiri Xoghaye Guterres.

Waxa uu soo hadalqaaday qaraarkii Golaha Ammaanka ee 15-kii bishii November ee tirsigiisu ahaa 2712 ee ku baaqayay in gargaar bani’aadantinimo oo dheeri ah la geeyo Gaza, balse waxa uu sheegay inaanan la kordhin karin kaalmada la gaynayo Gaza, marka aad eegto dhibaatada xoogga leh ee Israel halkaasi ka waddo in ay hortaagan tahay gargaarka la gaarsiinayo dadka sida weyn ugu baahan.

“Xaaladaha hadda jira waxa ay ka dhigayaan mid aan suurtagal ahayn in la kordhiyo saadka bani’aadantinimo, si loo daboolo baahiyaha ballaaran ee dadka rayidka ah.” Ayuu yiri Guterres.

Guterres ayaa warqad uu u qoray Golaha Ammaanka waxa uu ku dalbaday in ay awooddooda u adeegsadaan, si looga hortaggo masiibo bani’aadantinimo iyo in lagu dhawaaqo xabad joojin bani’aadantinimo oo degdeg ah, tani oo la fahamsan yahay in aysan Israel raali ka ahayn.

Qodobka 99-aad waa awood gaar ah, waana aaladda keliya ee madaxbannaan ee siyaasadeed ee la siiyay Xoghayaha Guud ee Axdiga Qaramada Midoobey, taas oo u ogolaaneysa inuu isugu yeero Shirka Golaha Ammaanka oo iskiis u ah iyo inuu soo saaro digniino ku saabsan khataraha cusub ee nabadda & ammaanka caalamiga ah iyo arrimo aan weli ku jirin ajandaha golaha.

Waa markii ugu horreysay uu Guterres cuskado amaba adeegsado qodobka 99-aad ee Axdiga Qaramada Midoobey, tan iyo markii uu xafiiska la wareegay 1-dii bishii January ee sanadkii 2017

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc