Home Wararka Caalamka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo si adag u weeraray Maamulka Israel

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo si adag u weeraray Maamulka Israel

by Laacib

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa Israel ku eedeeyay in ay ku xadgudubtay sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada, marka aad eegto gabood-falada ay ka gaysaneyso Marinka Gaza.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa Talaadadan sheegay in waxa ka socda Gaza ay baalmarsan yihiin sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo kan dagaalka.

Xoghayaha ayaa ku baaqay xabad joojin degdeg ah oo lagu badbaadinayo nolosha dadka rayidka ah, iyadoo Israel ay kordhisay duqaymaheeda ka dhanka ah dadka reer Gaza.

Xoghayaha ayaa cambaareeyay weerarka aan noociisa horey loo arag ee Xamaas 7-dii bishan ka gaysatay dhulka la haysto, haddana waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la fahmo in weerarku uu ku yimid gumeysiga muddada dheer ee lagu hayo shacabka Falastiiniyiinta.

“Waxaa sidoo kale muhiim ah in la aqoonsado in weerarka Xamaas uusan iska dhicin. Shacabka Falastiiniyiinta ayaa muddo 56 sano ah ku hoos jiray gumeysi.” Ayuu yiri Xoghayaha oo ka hadlayay kulan ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ka yeesheen xiisadda ka aloosan Bariga Dhexe.

“Waa in aan dalbanaa in dhammaan dhinacyadu ay dhawraan oo ay ixtiraamaan waajibaadkooda, sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada, waa in si joogto ah looga taxadaro fulinta hawlgalada ciidan, si loo badbaadiyo dadka rayidka ah oo ay ixtiraamaan, ayna ilaaliyaan isbitaalada, isla-markaana ay ixtiraamaan Xarumaha Qaramada Midoobey oo maanta hoy u ah in ka badan 600,000 oo Falastiiniyiin ah.” Ayuu yiri Xoghayuhu.

Waxa kaloo uu yiri “Waxaan u baroordiiqaya oo sharfayaa daraasiin ka tirsan Shaqaalaha Qaramada Midoobey ee Hay’adda UNRWA, oo ugu yaraan 35 ka mid ah lagu dilay duqaynta Gaza, labadii toddobaad ee ugu dambeysay.”

António Guterres, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo sii hadlayay ayaa yiri “Badbaadinta dadka rayidka ah macnaheedu ma aha in lagu amro in ka badan hal milyan oo qof in ay u qaxaan koonfurta Gaza oo cunto, biyo, dawo iyo shidaal la’aan ay ka jirto, ka dibna ay sii wadaan duqaynta koonfurta lafteeda.”

Waxa uu sheegay in uu ka walaacsan yahay xadgudubyada cad ay Israel ka gaysaneyso Marinka Gaza, isaga oo intaasi ku daray inaanu jirin garab hubeysan oo ka sarreya sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.

“Waxaan aad uga walaacsanahay xadgudubyada cad ee sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada ee aan ku aragno Gaza. Aan caddeeyo ma jiro dhinac dhinac hubeysan oo ka sarreeya sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.” Ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Xoghaye Guterres ayaa intaasi ku daray “Intaa waxaa dheer sahayda shidaalka ee Qaramada Midoobey ee Gaza, waxay dhammaan doontaa maalmo gudahood, taasina waxay noqon doontaa masiibo kale. Dadka reer Gaza waxay u baahan yihiin gargaar joogto ah oo la gaarsiiyo heer u dhigma baahida weyn, Kaalmadaas waa in la geeyaa, iyada oo aan la xanibeyn.”

Waa hadalkii ugu adkaa ee Xoghaye Guterres uu ku weeraro falalka naxariis darada ah ee Israel ka sameynayso Marinka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc