Home Wararka Caalamka Xoghaye Blinken oo la kulmay Raysal Wasaaraha Qatar

Xoghaye Blinken oo la kulmay Raysal Wasaaraha Qatar

by Laacib

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken oo booqasho ku jooga dalka Jordan ayaa maanta la kulmay Raysal Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Mohammed bin Abdulrahman Al Thani.

Labada dhinac midkoodna ma sheegin waxyaabaha ay ka wada hadleen, balse Dowladda Jordan ayaa sheegtay in Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka uu Caasimadda Amman kaga qaybgelayo shir madaxeed uu kula leeyahay Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Jordan, Masar, Qatar, Sacuudiga iyo Emirate-ka Carabta iyo masuuliyiin ka socda Falastiiniyiinta.

Jordan ayaa xaqiijisay in shirka lagaga hadlayo colaadda Israel iyo Falastiiniyiinta, si looga baaqsado inaanay colaaddu ku fidin gobolka intiisa kale.

Antony Blinken ayaa la sheegay in uu isku dayayo in la dhiso taageero loogu talagalay qorsheynta mustaqbalka colaadda Gaza, sidoo kale waxa uu doonaya in Dowladaha Khaliijka uu kala shaqeeyo fududeynta gargaarka bani’aadantinimo ee la gaynayo Gaza.

Blinken ayaa Qatar u arka saaxiib muhiim ah oo gacan weyn ka gaysan kara sii deynta maxaabiista lagu haysto Marinka Gaza.

Blinken ayaa la sheegay in Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu uu Jimcihii uga digay in Tel Aviv ay lumiso fursad kasta oo heshiis nabadeed ay kula gasho Falastiiniyiinta, haddii aysan furin wadiiqooyinka gurmadka bani’aadantinimo ee Gaza, isla-markaana aysan ogolaan wax ka qabashada xaaladda ka sii dareysa ee halkaasi ka jirta.

Dowladda Jordan ayaa ka careysan in Israel ay ballaariso hawlgaladeeda Gaza, iyadoona Arbacadii hoos u dhigtay xiriirkii diblomaasiyadeed ee Tel Aviv.

Dowladaha Khaliijka ayaa la sheegaya in Washington ay ku cadaadinayaan in Israel ay culeys ku saarto joojinta ciqaab wadareedka ka dhanka ah dadka reer Gaza, iyadoo ku andacooneysa in ay dagaal kula jirto Ururka Xamaas.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc