Home Wararka Caalamka Xoghaye Guterres “Dalalka waa inay taageeraan in la helo xalka laba dowladood”

Xoghaye Guterres “Dalalka waa inay taageeraan in la helo xalka laba dowladood”

by Laacib

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa soo dhaweeyay labada cisho ee lagu kordhiyay heshiiska xabad joojinta ee Marinka Gaza.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in muddo kordhinta heshiiska ay muujineyso muuqaalka rajo iyo bani’aadantinimo ku dhex jirta sida uu yiri mugdiga dagaalka.

“Waxaan rajeynaya in kuwani ay awood noo siin doonaan in aan kordhino xitaa in ka badan gargaarka bani’aadantinimo ee dadka ku dhibaateysan Gaza ee sida aadka ah gargaarka ugu baahan.” Ayuu yiri Xoghayuhu.

Xoghayaha ayaa yiri “Haddii aan waqti dheeri ah la helin ma noqon doonto wax aan macquul ahayn in lagu qanciyo dhammaan baahiyaha lama filaanka ah ee dadweynaha Gaza.”

Isaga oo sii hadlayay ayuu yiri “Waa in uu sii socdaa wada hadalka horseeday in la sii daayo la haysteyaashii ay haysteen Xamaas iyo maxaabiis Falastiiniyiin ah oo ku xiran xabsiyada Israel.”

António Guterres ayaa dalalka caalamka ugu baaqay in ay saameyntooda u adeegsadaan in la sii wado xabad joojinta bani’aadantinimo iyo inay taageeraan xalka laba dowladood oo deris ah.

“Dalalku waa inay u adeegsadaan saameyntooda xabad joojinta bani’aadantinimo iyo inay taageeraan tallaabooyinka aan laga laaban karin ee ku wajahan mustaqbalka keliya ee waara ee gobolka, ee ku aaddan in la helo xalka laba dowladood.” Ayuu yiri Xoghaye Guterres.

Guterres ayaa ku kalsoon dhismaha dowlad ay Falastiiniyiintu leeyihiin in ay soo afjari karto colaadda muddada dheer ka taagan Bariga Dhexe.

Dalalka gobolka iyo qaar ka mid ah kuwa Midowga Yurub ayaa u ololeynaya dhismaha dowlad ay shacabka Falastiiniyiintu leeyihiin, oo laga dhiso Marinka Gaza, Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc