Home Wararka Caalamka Xoghaye Guterres “Wax qiil ah looma hayo waxa ka socda Marinka Gaza”

Xoghaye Guterres “Wax qiil ah looma hayo waxa ka socda Marinka Gaza”

by Laacib

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Antonio Guterres  ayaa si adag uga hadlay gabood-falada ay Ciidamada Israel ka wadaan Marinka Gaza.

Xoghayaha oo booqasho ku jooga dalka Switzerland ayaa sheegay inaysan jirin wax qiil ah oo loo hayo ciqaab wadareedka lagu hayo dadka rayidka ah, ee wajahaya duqaymaha baahsan ee Ciidamada Israel iyo inay ciidamadaasi hortaagan yihiin gurmadka bani’aadantinimo ee la doonayo in la gaarsiiyo dadka nugul.

Waxa uu muujiyay in Israel ay si cad ugu xadgudbeyso shuruucda caalamiga ah ee bani’aadantinimo iyo kan dagaalka, isla-markaana aan la aqbali karin.

“Kumanaan qof oo shacab ah oo isugu jira haween iyo carruur ayaa lagu dilay Marinka Gaza, gurmadka bani’aadantinimada guud ahaanba ma ahan mid daboolaya baahida jirta.” Ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Xoghayaha ayaa intaasi ku daray in shuruucda caalamiga ah ay halis ku jiraan, marka la eego dilka tobanaanka kun ee rayidka ah ee lagu laayay Gaza.

Dhanka kale iyadoo Israel ay sheegtay in dhawaan ay ciidamadeeda hawlgal dhinaca dhulka ah ka bilaabi doonaan deegaanka Rafah ee koonfurta Gaza ayaa waxaa si adag uga horyimid Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, oo sheegay in deegaankaasi ay hadda gabaadsanayaan in ka badan hal milyan oo barakacayaal ah, waana xilli Israel ay isku dayeyso in ay curyaamiso howlaha shaqo ee Hay’adda UNRWA ka waddo Marinka Gaza. Hay’addan ayaa Qaramada Midoobey u qaabilsan shacabka Falastiiniyiinta, oo ay ku jiraan kuwa ku nool Gaza.

Isagoo sii hadlayay ayuu sheegay in duulaanka Israel ee Rafah uu ciddiyihii ugu dambeeyay gelin doono sanduuqa naxashka ee barnaamijyada gargaarka.

Waxaa kaloo uu sheegay in doorka Qaramada Midoobey ee Hay’adda UNRWA uu lama huraan u yahay qaybinta gargaarka la gaarsiinayo dadka reer Gaza.

“Rafah waa meesha ugu muhiimsan ee howlaha gargaarka bani’aadantinimo, UNRWA-na waa laf dhabarta gargaarka. Israel oo duulaan ku qaaddo Rafah keliya ma noqon doonto mid argagax gelisa dadka ka badan halka milyan ee qof ee halkaasi ku barakacay, wuxuuna gebi ahaanba hakin doonnaa gargaarka bani’aadantinimo.” Ayuu yiri Xoghaye Guterres.

Guterres ayaa mar kale ku celiyay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka Gaza, si looga jawaabo buu yiri masiibada bani’aadantinimo ee ka jirta Gaza.

Ugu yaraan 29,782 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay, 70,043 kalena waa lagu dhaawacay weerarada Israel ee Gaza, tan iyo 7-dii bishii October.

Dunida ayaa si weyn uga walaacsan kororka dhimashada & dhaawaca ee dadka aan waxba galabsan iyo xadgudubyada joogtada ah ee ay Militariga Israel ka gaysanayaan dhulka muddada dheer go’doonsan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc