Home Wararka Caalamka Xoghaye Guterres “Xaaladda Gaza waxay gaartay heer cusub oo khatar ah”

Xoghaye Guterres “Xaaladda Gaza waxay gaartay heer cusub oo khatar ah”

by Laacib

António Guterres, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa walaac xoogan ka muujiyay dadka uu Maamulka Israel ku khasbay in ay isaga barakacaan waqooyiga Gaza, ayna gaaraan koonfurta magaaladaasi.

Israel ayaa Jimcihii in ka badan hal milyan oo qof ugu yeertay in ay muddo 24 saac gudahood ah uga baxaan waqooyiga Gaza, oo ciidamadeeda ay isku diyaarinayaan in ay ka fuliyaan hawlgal dhinaca dhulka ah.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in xaaladda Gaza ay gaartay heerkii ugu hooseeyay ee khatar ah.

“Xaaladda Gaza waxay gaartay heer cusub oo khatar ah.” Ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.”

“In ka badan hal milyan oo qof in laga barakiciyo dhul colaadeed oo biyo iyo cunto aan lahayn, loona barakiciyo goob kale oo aan gabaad lahayn, oo weliba deegaanka uu go’doon ku jiro waa arrin halis ah oo aan si naba u fududayn.” Ayuu yiri Xoghayaha.

Xoghayaha ayaa sidoo kale yiri “Xitaa dagaaladu waxa ay leeyihiin sharciyo, waa in la ixtiraamaa oo la dhowraa sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo kan xuquuqda aadanaha.”

Xoghaye Guterres ayaa hadalkiisa ku xoojiyay “Af bani’aadantinimada ka baxsan oo colaad huriya marna lama aqbali karo. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan hoggaamiyeyaasha inay ka hadlaan naceybka, naceybka Muslimiinta iyo hadalada naceybka ah ee nooc kasta leh.”

Dhanka kale Guterres ayaa Xoogaga Xamaas ugu baaqay in ay xorriyadooda dib u siiyaan rayidka ay toddobaadkii hore ka soo qafaasheen Israel.

“Dadka rayidka ah waa in la ilaaliyo oo aan marnaba loo isticmaalin gaashaan.” Ayuu yiri Guterres.

Dowladaha Khaliijka oo Sacuudigu ugu horreyo ayaa cambaareeyay barakacinta khasabka ah Israel ee dadka reer Gaza.

Israel oo si adag u go’doomisay Gaza ayaa dhanka kale waxay ka gaysaneysaa weeraro dhanka cirka ah, oo ay ku dhinteen in ka badan 2,215 qof, halka in ka badan 8,700 oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Rabshadahan ka soo cusboonaaday Bariga Dhexe ayaa si weyn u saameeyay bulshada ku nool gobolka, kuwaa oo ka careysan gabood-falada ay Israel ka waddo Marinka Gaza iyo jawaab la’aanta ee hoggaamiyeyaasha gobolka iyo kuwa caalamkaba.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc