Home Wararka Maanta Xoogag ay ka mid yihiin Xerta Ahlu Sunna oo u ruqaansaday jiidda hore

Xoogag ay ka mid yihiin Xerta Ahlu Sunna oo u ruqaansaday jiidda hore

by Laacib

Xoogagan oo wata tobaneeyo gaadiidka dagaalka ah ayaa Axaddii u ruqaansaday furimaha hore, si ay uga qayb qaataan hawlgalka maleeshiyada Al Shabaab lagaga saarayo deegaanada Galmudug.

Xoogagan oo isugu jira dhallinyaro reer miyi u badan oo la abaabulay iyo Xerta Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ayaa lagu wadaa inay kooxaha argagixisada ka saaraan deegaaanada hoostagga Degmooyinka Cadaado iyo Baxdo.

Sidoo kale xoogagan ayuu qorshuhu yahay inay gacan ka gaystaan gulufka la doonayo in maleeshiyada Shabaabka lagaga saaro Koonfurta Gobolka Mudug.

Sabtidii ayaa gudaha iyo duleedka Cadaado lagu soo bandhigay laba ciidan oo kuwa deegaanka ah, kuwaa oo loo diyaariyay wejiga labaad ee hawlgalka lagu wiiqayo Shabaabka Galmudug.

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Somaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala) oo la hadlayay qaybta lagu soo bandhigay gudaha Cadaado ayaa sheegay in la joogo, xilligii loo dabaaldegi lahaa jabka iyo guuldarada argagixisada.

“Culeyskii Khawaarijtu waa soo dhammaaday, idinka ayuuna idiinku bilowday, idinka ayaana jebiyay qabkoodii. Hadda waxay joogtaa geba-gabadii, xafladeyntii iyo qaniimeysigii, intaas yaanan la idiinka badsanin.” Ayuu yiri Wasiir Alcadaala.

Alcadaala ayaa xoogagaasi kula dardaarmay “Waxaan idiin kula dardaarmayaa marka koowaad in caqiiqadiina aad sugtaan oo aad garataan waxa aad u dagaalameysaan, oo ah inaad difaacataan diintiina, dowladnimadiina iyo dadnimadiina. Nimankaa Khawaarijta ah iyagaa idiinku soo duulay, iyaga ayaa deegaankiina idiin kugu yimid, wilaayo uma dhiiban, ma aydaan dooran, ma aydaan dirsan, dal, diin iyo dad midna idiin kala ma dhaxeeyo.”

Odayaasha Dhaqanka, Maamulka Degmada Cadaado iyo siyaasiyiinta deegaanka ayaa abaabulay oo diyaariyay xoogagan.

Xoogagan siyaabooyinka kala duwan loogu soo bandhigay Cadaado iyo duleedkeeda ayaa tiradooda lagu sheegay ku dhawaad kun (1,000) nin, kuwaa oo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan iyo weliba 45 gaadiidka nooca dagaalka ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc