Home Wararka Maanta Xoogag ay qayb ka yihiin Xerta Ahlu Sunna oo lagu soo bandhigay Degmada Wisil

Xoogag ay qayb ka yihiin Xerta Ahlu Sunna oo lagu soo bandhigay Degmada Wisil

by Laacib

Xoogagan ayaa gelinkii dambe ee Isniintii lagu soo bandhigay Degmada Wisil ee Gobolka Mudug, ka dib in muddo ah oo halkaasi lagu abaabulayay.

Xoogagan oo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka dagaalka ayaa lagu soo bandhigay fagaare ku yaala degmadaasi.

Xoogagan ayaa loo diyaariyay in ay gacan ka gaystaan wejiga labaad ee hawlgalka maleeshiyada Al Shabaab lagaga saarayo koonfurta gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in xoogagan ay qayb ka yihiin Xerta Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ee deegaan ahaan ka soo jeedda Degmada Wisil.

Xerta Ahlu Sunna ayaa muujiyay, sida ay diyaarka ugu yihiin in mar kale ay wajahaan maleeshiyada Shabaabka.

Xertan ayay dadku xusuustaan in 27-kii bishii June ee sanadkii 2021 ay ka hortaggeen weerar qaraxyo ku bilowday oo Shabaabku ku qaadeen Wisil. Xertan ayaa ka tirsan Xoogagii Ahlu Sunna ee kala irdhoobay, ka dib markii Dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Dowlad Goboleedka Galmudug ay Maamulkii Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe kala wareegeen magaalooyinkii ay ka arriminayeen.

Xoogaga reer Wisil ayaa lagu wadaa in ay la hawlgalaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug, oo ay tahay in ay qabtaan deegaanada dhaca koonfurta gobolkaasi.

Taliska Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la filayaa in ciidamadaasi uu siiyo amarka ay ku xoreynayaan deegaano ay ka mid yihiin Caad, Cammaara, Dabagalo, Dumaaye, Bacaadweyne iyo Shabellow.

Abaabulka iyo diyaargarowga ciidan ee ka jira deegaanada Galmudug ayaa waxaa abaabulkooda door muuqdo ku leh odayaasha beelaha iyo maamulada degmooyinka.

Odayaasha ayaa la sheegaya in ay wax ka hoggaamin doonaan hawlgalkan, oo horseedaya in muddo shan iyo toban sano ka dib Shabaabka laga xoreeyo deegaanada Galmudug.

Inkastoo Shabaabku ay muddo dheer carqaladeynayeen amniga iyo deganaanshaha dalka, haddana sanadkan waa kiisii ugu xumaa ee soo mara, intii ay ku howlanayeen daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed iyo burburinta dalka, waana Shabaab oo ah cadowga keliya ee muuqdo, ee ay maanta ummadda Soomaaliyeed leedahay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc