Home Wararka Maanta Xoogag cusub oo lagu soo bandhigay Maxaas iyo Cali Jeyte oo hadlay (SAWIRRO)

Xoogag cusub oo lagu soo bandhigay Maxaas iyo Cali Jeyte oo hadlay (SAWIRRO)

by Laacib

Siyaasiyiinta Gobolka Hiiraan qaarkood ayaa maanta Degmada Maxaas ee gobolkaasi ku soo bandhigay xoogag cusub, kuwaa oo loogu talagalay in ay ka qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Xoogagan oo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka dagaalka ayaa ah dadka deegaanka ee loo abaabulay in dagaalka gacan ka gaystaan.

Goobta lagu soo bandhigay ayaa waxaa ku sugnaa Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed), Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan iyo Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Waa markii ugu horreysay oo goob qura ay ka soo wada muuqdaan Cali Jeyte iyo Yuusuf Dabageed, ka dib xiisaddii siyaasadeed ee ka dhalatay xil ka qaadistii uu Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) uu bartamihii bishii June ku sameeyay Gudoomiye Jeyte.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Xildhibaan Sanbaloolshe uu ka shaqeeyay, sidii ay labada masuul isugu soo dhawaan lahaayeen, inkastoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku qanciyay in dagaalka loo midoobo, wixii khilaaf siyaasi ahna meel la iska dhigo.

Yuusuf Dabageed oo goobtaasi ka hadlayay ayaa sheegay in uu dhammaaday madmadowgii jiray, hadafkooduna uu yahay, sidii looga takhalusi lahaa Shabaab.

Xildhibaan Sanbaloolshe ayaa halkaasi kaga dhawaaqay in dagaalka uu hoggaamin doono Cali Jeyte, isagoona dadka reer Hiiraan ugu baaqay inay la shaqeeyaan.

“Cali Jeyte dagaalkaan u dirsanay, annagaa askar u ah, annagaa garbo u ah, idinkuna Shabaab hadduu geed saaran yahay, hadduu buur saaran yahay, hadduu badda galo iyo hadduu dhulka galaba inaad uga daba tagtiinaa rabtiin, waad mahadsan tihiin, ninkaasaa dagaalka noogu duq ah, qudbo-sirana ma ahan.” Ayuu yiri Sanbaloolshe.

Jeyte oo isna goobta ka hadlay ayaa iclaamiyay inay la dagaalami doonaan Shabaab, dalkana ay ka saari doonaan.

“Sida Xildhibaanka Federaalka uu sheegay waa kama dambeysee ninkii dubato yeelkeedee. Shabaab nimanka la yiraahdo waan la dagaalamaynaa, haddii Alle idmo.” Ayuu yiri Jeyte.

Jeyte ayaa yiri “Been bay sheegayaan, diin ay garanayaan ma jirto, waa dugaag in dadka Soomaaliyeed iyo dalka laga badbaadiyo u baahan.”

Jeyte oo la hadlayay xoogaga difaaca shacabka ayaa yiri “Waxaan kaloo rabaa inaan idiin caddeeyo Shabaab dagaalkii aad la soo gasheen oo saddex loo dhigo, meel ka mid ah ayaa idin sugeysa, laba xitaa idin sugi meyso. Shabaab waa jabay, waana laga adkaaday, shaki iigama jiro inaan ka adagnahay, waan soo tijaabinay waa taan is ogayn, waan isu lafo sheeganay, waana ka adkaanay oo goobjoog baan isu ahayn soo maaha, ma asagoo baqdaa ka tagnaa, nin baqday miyaan ka baqanaa?”

Jeyte ayaa lahaa abaabulka iyo dardargelinta wejigii hore ee hawlgalka, oo Shabaabka lagaga saaray dhulkii ay ka maamulayeen dhanka bari ee gobolkaasi, qorshaha hadda socda ayaana ah, sidii looga kicin lahaa daanta galbeed ee gobolka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc