Home Wararka Maanta Xoogag hor leh oo lagu soo bandhigay duleedka Magaalada Dhuusamareeb (SAWIRRO)

Xoogag hor leh oo lagu soo bandhigay duleedka Magaalada Dhuusamareeb (SAWIRRO)

by Laacib

Waa xoogagii labaad oo muddo toddobaad gudihiisa ah lagu soo bandhigo duleedka Magaalada Dhuusamareeb, si ay uga qayb qaataan wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Xoogagan oo ay soo abaabuleen odayaasha, waxgaradka iyo siyaasiyiinta reer Galmudug ayaa ku biiraya ciidamada iyo xoogaga kale ee deegaanka ee horaan loo diyaariyay hawlgalkaasi.

Gelinkii dambe ee Arbacadii ayaa lagu soo bandhigay deegaanka Mareergur oo hoostagga Magaalada Dhuusamareeb.

Xoogagan cusub oo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan iyo tiro gaadiidka dagaalka ah ayaa u badan dhallinyaro reer miyi ah.

Xubno ka tirsan Labada Gole ee Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedka Galmudug, masuuliyiinta gobolka iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa ku sugnaa goobta lagu soo bandhigay xoogagan.

Dadka deegaanka ee siyaabooyin kala duwan loogu abaabulayo deegaanada Galmudug ayay tahay inay door muuqdo ka qaataan gulufka lagu xoreynayo goobaha ay Shabaabku kaga harsan yihiin deegaanadaasi.

Shabaabka ayaa Galmudug kaga sugan Bariga Gobolka Galgaduud iyo Koonfurta Gobolka Mudug.

Taliska Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo odayaasha beelaha oo hadda u muuqdo kuwo si weyn ugu diyaargaroobay hawlgalkaasi ayaa sugaya oo keliya seeriga/firimbiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, si wareegga hore ee wejiga labaad ee hawlgalka uu uga bilowdo Gobolada Dhexe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc