Home Wararka Maanta Xoogag ka qayb qaadanaya hawlgalka Galmudug oo la soo bandhigay (SAWIRRO)

Xoogag ka qayb qaadanaya hawlgalka Galmudug oo la soo bandhigay (SAWIRRO)

by Laacib

Xoogagan oo ah dadka deegaanka ee la abaabulay ayaa Sabtidii lagu soo bandhigay deegaanka Dhabad ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Xoogaga reer Dhabad oo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka dagaalka ayaa tiradooda lagu sheegay illaa laba boqol oo nin.

Xoogagan ayaa loogu talagalay in ay ka qayb qaataan hawlgalka ballaaran ee maleeshiyada Al Shabaab lagaga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin Galmudug, gaar ahaan Bariga Gobolka Galgaduud.

Xubno ka tirsan Labada Gole ee Heer Federaalka iyo Heer Dowlad Goboleed Galmudug ayaa lahaa abaabulka iyo diyaarinta ee dadka reer Dhabad.

Tan iyo markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud gaaray Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa Galmudug ka socday abaabul xoog leh, oo la doonayo in dadka deegaanku kaga qayb qaataan gulufka lagu xoreynayo deegaanada Galmudug.

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya xoogaga deegaanka ayuu qorshuhu yahay in ay Shabaab ka suuliyaan Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc