Home Wararka Maanta Xoogag la abaabulay oo lagu soo bandhigay Gobolka Shabellaha Dhexe (SAWIRRO)

Xoogag la abaabulay oo lagu soo bandhigay Gobolka Shabellaha Dhexe (SAWIRRO)

by Laacib

Xoogaga difaaca shacabka ee loogu talagalay inay ka qayb qaataan hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab ayaa Sabtidii lagu soo bandhigay deegaanada Nuur Dugle iyo Maxaa Saciid ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Xoogagan ayaa loo diyaariyay in ay ka qayb qaataan qorshaha socda ee ku aaddan, sidii maleeshiyadaasi looga saari lahaa deegaanada ay kaga harsan yihiin daanta galbeed ee gobolkaasi.

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow, Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe, Axmed Mayre Makaraan, Xildhibaano Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed Hirshabelle ayaa kormeeray deegaanada lagu soo bandhigay xoogagaasi.

Masuuliyiinta ayaa bogaadiyay, sida ay dadka deegaanku ugu diyaagaroobayaan dagaalka la doonayo in dalka looga ciribtiro kooxaha argagixisada.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa xoogaga difaaca shacabka ugu yeeray in ay dalka ka xoreeyaan waxa uu ku sheegay Khawaarijta u taagan baabi’inta dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa sheegaya in ay furimaha dagaalka u joogaan dhiirigelinta ciidamada iyo ka warqabkooda, maalmaha soo socdana ay ku soo biiri doonaan ciidamo kale, oo sida uu sheegay kala qayb qaadanaya dagaalka.

Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ayaa waxaa ka socda abaabul iyo diyaargarow ciidan, oo ay tahay in lagu xoreeyo deegaanada maqan ee labadaasi gobol.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa qorsheynaya in goobo badan dagaal lagaga furo maleeshiyada Shabaabka ee ka hawlgala deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle.’

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc