Home Wararka Maanta Xoogag la abaabulay oo lagu soo bandhigay Magaalada Dhuusamareeb (SAWIRRO)

Xoogag la abaabulay oo lagu soo bandhigay Magaalada Dhuusamareeb (SAWIRRO)

by Laacib

Deegaanada Galmudug ayaa waxaa weli ka socda abaabulka iyo diyaargarowga ciidamada & dadka deegaanka ee ku aaddan wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Xoogag cusub oo ka qayb qaadanaya hawlgalkan ayaa maanta lagu soo bandhigay duleedka Magaalada Dhuusamareeb.

Xoogagan oo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka dagaalka ayuu qorshuhu yahay in ay gacan ka gaystaan hawlgalka ay tahay in lagu wiiqo mintidiinta Al Shabaab.

Taliska Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa xoogagan ugu talagalay in ay ka qayb qaataan gulufka Shabaabka lagaga saarayo deegaanada Galmudug.

Maamulada degmooyinka iyo odayaasha beelaha ayaa goobo kala duwan ku abaabulay xoogag deegaanka ah, si ay gacan uga gaystaan hawlgalka uu diyaargarowgiisu socdo ee Al Shabaab looga xoreynayo Gobolada Dhexe.

Goobta lagu soo bandhigay xoogagan ayaa waxaa ku sugnaa Xildhibaano, Saraakiil ciidan, Maamulka Gobolka Galgaduud, odayaal iyo waxgarad deegaanka ah.

Gobolada Galgaduud iyo Mudug ayaa waxaa si firfircoon uga socda diyaargarowga loogu jiro gulufka ay tahay in jiridda loogu siibo Shabaabka hubeysan.

Dadka reer Galmudug ayaa muujiyay inay ka go’an tahay in ay wiiqaan kooxaha argagixisada, ka dib sanado badan oo ay duljoogeen.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa Khamiistii sheegay in dadkiisu ay fure u noqon doonaan hawlgalka dalka looga ciribtirayo argagixisada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc