Home Wararka Caalamka Xoogaga Xamaas oo baqdin geliyay Xoghaye Blinken, xilli uu booqasho ku joogo Israel

Xoogaga Xamaas oo baqdin geliyay Xoghaye Blinken, xilli uu booqasho ku joogo Israel

by Laacib

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa la sheegay in Isniintii uu wajahay xaalad halis ah, wax yar uun ka dib markii uu ka degay Magaalada Tel Aviv, oo uu wada hadalo kula leeyahay Madaxda Israel.

Xoogaga Xamaas ee Falastiiniyiinta ayaa weerar gantaalo ah ku ekeeyay Magaalada Tel Aviv, waxaana illaa fiidnimadii xalay magaaladaasi laga maqlayay dhawaqa digniinaha ee gantaalada amaba inuu weerar jiro.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka oo kulan la lahaa Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa la sheegay in labadaba loola cararay goob ammaan ah, ka dib markii si lama filaan ah magaalada looga maqlay daryanka gantaalada iyo dhawaqa digniinaha.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in Xoghaye Blinken iyo Raysal Wasaaraha Israel ay in doora ku sugnaayeen goobta badqabka, ayna ka soo baxeen markii ay khatartu yaraatay, kulankoodiina uu mar dambe u soo idlaaday.

Booqashadan ayaa noqonayso tii labaad ee Blinken uu ku taggo Israel muddo afar maalmood gudahood ah. Blinken ayaa Khamiistii ka degay Tel Aviv, si uu taageero ugu muujiyo Israel, ka dib weerarkii khasaaraha badan gaystay ee ay dhawaan Xoogaga Xamaas ku qaadeen Israel. Blinken ayaa sidoo kale booqasho ku soo kala bixiyay lix dal oo Carbeed, ka hor inta aanu Isniintii ku laaban Israel.

Khatarta amni ee haatan uu la kulmay Blinken ayaa lagu sheegay tii ugu horreysay ee uu wajaho, tan iyo markii uu xilkaasi qabtay.

Israel ayaa si ku-meel-gaar ah u hakisay howlihii shaqo ee Garoonka Diyaaradaha Ben Gurion ee duleedka Magaalada Tel Aviv.

Isla shalay Xarunta Baarlamaanka Israel ee Magaalada Jerusalem ayaa lagu kala cararay, xilli ay ku sugnaayeen Madaxweynaha Israel, Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu, Gudoomiyaha Baarlamaanka, Xildhibaanada iyo Xubnaha Golaha Wasiirada ee waxa loogu yeeray dagaalka, kuwaa oo qayb ka noqon doona doorka hoggaamineed ee dagaalka Israel kula jirto Xamaas. Golahan ayaa markii ugu horreysay toddobaadkii hore looga dhawaaqay Israel, ka gadaal weerarkii Xamaas ay 7-dii bishan ka fulisay dhulka ay Israel maamusho.

Xilli Raysal Wasaare Netanyahu uu khadbad ka jeedinayay Xarunta Baarlamaanka ayaa mar qura Magaalada Jerusalem laga maqlay dhawaqa digniinaha, taas oo keentay in xaruntaasi lagu kala cararo.

Ciidamada amniga ayaa la sheegay in ay si degdeg ahi madaxda ku geeyeen goob amni oo dhulka hoostiisa ah, looguna talagalay in amnigooda lagu sugo, xilliyada ay rabshaduhu jiraan.

Wararka ayaa sheegaya in nidaamka difaaca hawada ee Israel uu ka hortegay inta badan gantaaladii weerarka loo adeegsaday, balse gantaalada qaarkood oo dhinac maray ayaa ku soo dhacay magaalada, lamana soo sheegin cid wax ku noqotay.

Netanyahu oo weerarkaasi ka dib ku laabtay Xarunta Aqalka Baarlamaanka ee loo yaqaano (Knesset) ayaa sii watay khudbaddiisii uu ugu talagalay in goobtaasi uu ka jeediyo.

Netanyahu ayaa mar kale ku hanjabay in Ururka Xamaas ay ka ciribtiri doonaan gobolka, isagoona yiri “Dagaalkan waa mid u dhaxeeya iftiinka iyo mugdiga.”

Benjamin Netanyahu, Raysal Wasaaraha Israel ayaa Dowladda Iran iyo Ururka Xisbullah ee ka arrimiya koonfurta Lubnaan uga digay in ay dagaalka ku gacan siiyaan Xamaas, haddii kalena ay la kulmi doonaan waxyeelo aad u daran, sida uu yiri.

Subaxnimadii Isniinta ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in Xamaas iyo Israel ay heshiis xabad joojin ah ka gaareen koonfurta Gaza, si ay ugu nabad galaan dadka ay Israel ku amartay in ay isaga barakacaan waqooyiga Gaza, balse labada dhinac ayaa mar dambe beeniyay wararka sheegaya in la gaaray heshiis xabad joojin ah.

Madaxweyne Joe Biden ayaa la hadalhaya in Arbacada berrito ah uu booqan doono Israel, ka dib markii uu casuumaad ka helay masuuliyiinta maamulkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc