Home Wararka Caalamka Xoogaga Xisbullah oo u muuqdo kuwo ku biiray dagaalka ka dhex qarxay Xamaas iyo Israel

Xoogaga Xisbullah oo u muuqdo kuwo ku biiray dagaalka ka dhex qarxay Xamaas iyo Israel

by Laacib

Xoogaga Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa u muuqdo kuwo ku biiray dagaalka maalintii labaad dhex maraya Xoogaga Xamaas ee Falastiiniyiinta iyo Ciidanka Israel.

Xisbullah oo ah koox hubeysan oo awood badan, isla-markaana ay Iran taageerto ayaa sheegtay in gantaalo iyo madaafiic la hagayay ku ekeeyeen saddex goobood oo ku yaala beeraha Shebaa, iyaga oo markaasi garabsanaya Xoogaga Falastiiniyiinta. Beeraha Shebaa oo ay sheeganayso Lubnaan waxay Israel ku qabsatay dagaalkii lixda maalmood ee sanadkii 1967-kii.

“Annaga oo ku jirno waddadii aan ku xorayn lahayn qaybta hartay dhulkeenna Lubnaan ee la haysto, annagoo kaashanayna iska caabinta Falastiin ee guuleysata iyo shacabka Falastiiniyiinta ah ayaa kooxaha abaanduulaha shahiidka ah ee Haji Imad Mughniyeh ee ka tirsan Isbahaysiga Islaamiga ah ay qaadeen weerar Axaddan, oo lagu beegsanayo 3 goobood oo Sahyuuniyadda ah oo ku yaala Gobolka Beeraleyda Shebaa ee Lubnaan ee la haysto.” Ayay Xisbullah ku sheegtay bayaan ay soo saartay.

Taliska Ciidanka Difaaca Israel ayaa sheegay in ciidamadooda ay gantaalo isweydaarsadeen Xoogaga Xisbullah ee ku sugan xadka labada dal.

Taliska ayaa qirtay in markii dambe mid ka mid ah diyaaradahooda dagaalka ay garaacday deegaan ka tirsan dalka Lubnaan, oo sida ay sheegeen laga soo tuuray madaafiicda lagu harqiyay xuduudda laga soo galo Israel.

Taliska ayaa qoraal ku sheegay in diyaaradoodda ay bartilmaameed ka fulisay fariisin ay Xoogaga Xisbullah ku leeyihiin deegaanka Har Dov, oo ah deegaan ku dhow beeraha Shebaa.

Ciidanka Israel ayaa la sheegaya in ay u diyaargaroobeen dhammaan xeeladaha, si ay u ilaalinayaan badqabka muwaadiniintooda ku nool xeendaabka Israel.

Xildhibaan Najat Aoun Saliba oo ka tirsan Baarlamaanka Lubnaan ayaa ku baaqday in qaddiyadda Falastiiniyiinta ay noqoto dadaal wadajir ah, oo ay u dhan yihiin dalalka Carabta.

Haddii Xisbullah ay si rasmi ah ugu biirto dagaalka ayaa waxay dabka ku sii shidaysaa baqdintii laga qabay dagaalka ka qarxa gobolka oo dhan.

Madaxda Xamaas ayaa kooxaha Islaamiyiinta ugu baaqay in ay ku soo biiraan dagaalka, si go’doominta muddada dheer saaran looga qaado Gaza.

Xoogaga Xamaas ayaa Sabtidii weerar aan horey loo arag ku qaaday koonfurta Israel, iyadoona uu weerarkaasi galaaftay nolosha 250 qof oo Israeliyiin ah.

Israel ayaa weerarkaasi kaga aargudatay duqayn xoogan oo maalintii labaad ay ka waddo Marinka Gaza, duqayntan oo la ogyahay in ay ku dhinteen in ka badan 300 oo qof oo dadka reer Falastiin ah, tiro ku dhow laba kun oo kalena ay ku dhaawacantay.

Reer Gaza ayaa tan iyo sanadkii 2007-dii wajahayay go’doomin dhulka, badda iyo hawada oo Israel ay saartay. Gaza ayaa waxaa ku nool in ka badan laba milyan oo qof.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc