Home Wararka Caalamka Xoogaga Xuuthiyiinta oo boor qaaday markab kale oo ganacsi

Xoogaga Xuuthiyiinta oo boor qaaday markab kale oo ganacsi

by Laacib

Xoogaga Xuuthiyiinta Yemen ayaa mar kale Jimcahan weeraray markab ganacsi, xilli uu ku gooshayay Gacanka Cadmeed.

Wararka ayaa sheegaya in Xoogaga Xuuthiyiinta ay tiro gantaalo ah ku weerareen markabka PROPEL FORTUNE, oo ah nooca xamuulka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxyo waaweyn laga maqlayay jihada uu ku safrayay markabka, lamana soo sheegin cid wax ku noqotay weerarkaasi.

Shirkadda Amniga Badda ee Britain (Ambrey) ayaa xaqiijisay inaanay jirin cid wax ku noqotay weerarkaasi, isla-markaana uu markabka ka badbaaday weerarka gantaalada ee Xuuthiyiinta.

Hay’adda La socodka Ganacsiga Badda ee Britain (UKMTO) oo soo xiganeysa Sarkaalka Amniga ee Shirkadda Propel Fortune ayaa sheegtay in markabka uu awooday in si nabada uu ku sii socdo.

“Sarkaalka wuxuu sheegay inaanan markabkiisa la garaacin, waxaana intaa dheer inaysan jirin cid wax ku noqotay weerarka, oo gantaalaha kuma dhicin markabka.” Ayay ku warantay UKMTO.

Lama sheegin dalka laga leeyahay markabkan oo sida la sheegay watay Calanka Singapore, balse Xuuthiyiinta ayaa bartilmaameedsada maraakiibta ku socda Dekedaha Israel, iyadoo aan loo eegeyn dalka laga leeyahay iyo kuwa kale ee laga leeyahay Mareykanka, Ingiriiska iyo Israel.

Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, Yahya Saree ayaa lagu wadaa in Sabtida uu ka hadlo weeraradii ugu dambeeyay ee ay ka fuliyeen marin biyoodyada caalamiga ah.

Arbacadii ayay ahayd, markii Xuuthiyiinta ay gantaal ku dhufteen markab nooca xamuulka, oo marayay Gacanka Cadmeed, waxaana weerarkaasi ku dhintay saddex shaqaale, halka afar kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu xaqiijiyay Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka. Shaqaalihii kale ee badbaaday ayayna khasab ku noqotay in markabka True Confidence ay uga taggaan halkii lagu gubay.

Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta Yemen, Abdul-Malik Al-Houthi oo Khamiistii hadlay ayaa sheegay in markii ugu horreysay ay adeegsadeen gantaalo aanu xusin, balse sida uu sheegay ay la fajaceen reer galbeedka.

Hoggaamiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in weeraradooda Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ay sii socon doonaan, inta buu yiri cadowgu uu ololaha militari ka wado Marinka Gaza.

Xuuthiyiinta ayaa lagu tilmaamaa garabka ugu tunka roon garabyada militari ee gobolka jira, ee ka biyo diidan duulaanka Israel ee Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc