Home Dhacdooyin Xoogaga Xuuthiyiinta oo gantaal balaastik ah ku weeraray markab laga leeyahay Denmark

Xoogaga Xuuthiyiinta oo gantaal balaastik ah ku weeraray markab laga leeyahay Denmark

by Laacib

Xoogaga Xuuthiyiinta Yemen ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii weeraray markab laga leeyahay dalka Denmark, xilli uu marayay aagga biyaha caalamiga ah.

Markabka Maersk Gibraltar oo nooca kunteenarada qaada ah ayaa lagu weeraray meel u dhow marinka Bab al-Mandeb ee isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Xoogaga Xuuthiyiinta ayaa sheegay in ay qaadeen hawlgal militari oo ka dhan ah markabka kunteenarada ee Maersk, kaas oo ay sheegeen in ay ku weerareen diyaarad Drone ah.

Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, Yahya Saree ayaa sheegay in markabka oo ku sii jeeday Dekedaha Israel uu weerarka lagu qaaday ka dambeeyay, ka dib markii shaqaalaha markabkaasi ay dhegaha ka fureysteen in ay ka jawaabaan digniinahooda.

Wakaaladda Wararka Reuters ayaa Sarkaal Mareykan ah ka soo xigatay in Xoogaga Xuuthiyiinta ay gangaal ku weerareen markabkaasi, balse ay ku guuldareysteen in ay joojiyaan. Sarkaalkan ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada Mareykanka aysan ku sugnayn aagga, xilligii uu weerarku dhacayay.

Taliska Dhexe ee Militariga Mareykanka ayaa goor dambe oo xalay ahayd sheegay in weerarka loo adeegsaday gantaal nooca balaastikada ah, isla-markaana uusan gaysan wax dhaawac ama khasaare ah.

Shirkadda maraakiibta Denmark ee Maersk ayaa saaka sheegtay in markabkeeda uu ka ambabaxay Magaalada Salalah ee dalkaasi Cumaan, uuna ku sii jeeday Magaalada Jeddah.

Shirkadda ayaa sheegtay in dhammaan shaqaalihii iyo markabkaba ay ka badbaadeen weerarka.

“Weeraradii ugu dambeeyay ee lagu qaaday maraakiibta ganacsiga ee marinka Bab al-Mandeb ayaa dhaliyay walaac xoog leh. Xaaladda hadda jirta waxay halis gelinaysaa nolosha badmaaxiinta, waana mid aan waari karin ganacsiga caalamiga ah.” Ayay sheegtay Maersk.

Habeenkii Isniinta ayay ahayd, markii Xuuthiyiinta Yemen ay meel ku dhow Bab al-Mandeb ku weerareen markab nooca kiimikada ah oo laga leeyahay dalka Norway.

Xuuthiyiinta ayaa xilligaasi sheegay in markabku uu ku sii jeeday Dekedaha Israel oo ay go’doomiyeen, sababo ku aaddan weerarada arxan-darada ah ee Israel ka gaysaneyso Marinka Gaza.

Xuuthiyiinta ayaa ku hanjabay in ay beegsan doonaan maraakiibta caalamiga ah ee ku wajahan Dekedaha Israel, haddii aan si xor ah gaadiidka gargaarka loogu ogolaan magaalada go’doonsan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc